Dal walba wuxuu xor u yahay in lagala tashado waxa quseeya dadkooda, diintooda, dalkooda, dowladnimadda, iyo qayiimka ummaddooda, waxeyna midaasi tahay caqiidada ka turjumeysa madaxbanaanida ummaddeed iyo qayiimkooda gobanimo oo muqadaska u ah jiritaanka xurmadooda ummaddnimo iyo dareenkooda xambaarsan dhaxalkooda soo jireenka ah ee qiimaha dahabka ah ee ay Soomaalinimadu ku dhisan tahay, kaas oo ka fog damiirka dadnimadooda in loo daba fadhiisto haykal ay dhisteen dad kale oo si bahdilida ku doonaya in qaadashada amaradooda loogu sujuudo ama loogu rukuuco fulinta rabitaankooda ku saleysan islaweyni ku dhisan amar ku taakleyn.
Maamulka cusub ee dalka Mareykanka waxaa hogaanka u qabtay rag maalqabeena oo sharciga iyo maslaxada dalkooda uu kala sareeyo rabitaankooda ku dhisan xukun addoonsiya oo burjuwaasiyadeed oo cid walba oo dano ka leh dalkooda ku cabiidinaya bahdilid ku dhisan cunoqabateyn, hanjabaad, iyo war xumeyn ku saleysan borobagaando, waxaas oo dhana waxey xukunka ganacsatadaas ay ku doonayaan iney adduunka oo dhan ay danahooda awgeed ugu sameeyaan qaab ay ugu jiheeyaan in loogu adeeco oo ay hantidooda ku xoojiyaan meesha dadka kale ee adduunka ay u badaan saboolnimo ay ugu baahdaan iney danahooda ugu rukuucaan iyagoon hadal ka soo celin amaradooda qalafsan sareyntiisa.
Wasaaradda arrimaha dibeda Mareykanka ayaa soo saartay go’aano ay ku xanibeyso dhamaan deeqihii ay u fidin jirtey dowladaha ay la lahayd iskaashiga caalamka, waxeyna ka soo reebtay saddex dal oo keliya, kuwaas oo kala ah Yuhuuda, Masaarida, iyo Jordan, ujeedada dalalkaan mucaawinadooda aan loo joojin ayaa ah iney maamulka cusub kala shaqeeyaan sidii dadka Falastiin looga barakicin lahaa meela ay jabhadahoodu ku xoog badan yihiin ama ay dalalkaas u siin lahayeen meelo ay degaan si dhulka intiisa badan loogu gacan baneeyo in dadka Yuhuuda ay degaan, sidaasna ay gacan uga geystaan dhagarta dhulka Falastiin lagula wareegayo.
Soomaaliya waa dal ka maarmi kara xukunka cusub ee burjuwaasiyadda Mareykanka oo uusan dhaqaale badan ka helin, waxa uga yimaadana ay isaga dib ugu noqoto, waana iska cadahay iney madaxda dalkaas Soomaaliya ula imanayaan shuruudo aan maangal ahayn oo ay ku qasbayaan waxa ay rabitaankooda guracan ay ku doonayaan sida joojinta taageerada la dagaalanka xagjiriinta iyo joojinta mucaawanada ay u soo dhiibaan hayadaha samafalka caalamka, maalgelinta iyo taageerada xulafadooda oo ay joojiyaan, xiriirka diblomasiyadeed oo ay hoos u dhigaan, iyo weeraro handadaada, brobagaando, iyo dowlad bedelid ay qaadaan.
Soomaaliya waa iney ka digtoonaato in dalkeeda dib loogu soo celiyo dad aan heysan dukumentiyo ama aysan cadeyn heshiis lagala galay dadka la soo celinayo oo xuquuqdooda loo soo dhameystiray sida, in dadkaas laga kaalmeeyo nolosha ay dib ugu soo noqonayaan xaga maciishada, guryaha, caafimaadka, iyo deegaameyntooda. Mareykanka dadka ay soo celinayaan iyagaa ka masuula iney si anshax iyo dadnimo wanaagsan ay ku soo celiso, haddii taas la waayana ay Soomaaliya diido cirkeeda, Badeeda, iyo dhulkeeda in laga soo dejiyo dad qaxootiya oo aysan awood u lahayn iney noloshooda damaanad qaado.
Waxaa socda dadaalo caalamiya oo looga soo horjeedo qariska xoornimada madaxda cusub ee maamulka Mareykanka oo lagu doonayo in isqaadqaadkooda cagaha dhulka loogu dhigo, waxeyna dhaqdhaqaaqyadaas ay horseedayaan ineysan xukun ganacsato aysan adduunka ka yeeli karin sida ay rabaan iney bahdilaad wax uga helaan, waxeyna fikradahaas intooda badan ka curanayaan gudaha wadanka Mareykanka, kuwaas oo awoodo dadban iyo kuwa toosanba loo adeegsanayo meelmarintooda, waxaana suurtogala inuu iskudhacyo ka yimaado fikradahaas haddii aysan qolada maalqabeenada xukunka Mareykanka la wareegay aysan hoos u dhigin dalabyadooda aan xeerarka dalka iyo kuwa caalamka aan raacsaneyn.
Soomaaliya waa dal ay Badaheeda daneynayaan wadamo badan sida Shiinaha iyo Ruushka, waana taas tilaabada ku qasbeysa Mareykanka ineysan xoogg iyo jujuub wax uga soo raadsan Soomaaliya oo haddii ay taasi dhacdo Soomaaliya ay difaaceeda la hoos geleyso wadamadaas, sidaas daradeed ayaa loogu baahan yahay ineysan madaxda Soomaaliyeed aysan dhegeysan bootada iyo baqbaqda ay soo kilkilayaan maalqabeenka maamulaya xukunka cusub ee dalka Mareykanka, waxeyna taas diginin u tahay in indhaha lagu hayo waxa aan muuqan oo ay soo wadaan nimankaas oo aan loo dhego nuglaan amaradooda waxyeelada faraha badan xambaarsan oo ay wehliso ku doorsiga soor quureed qaadashadeeda.
Nimankaas is mahdiyey oo talada Mareykanka hantidooda kula wareegey saassaantooda waxaa tijaabo u ah waxa ay ka sameynayaan dhulka Falastiin iyo Bariga Dhexe, kuwaas oo qaarna lagu soo rogayo baad xad dhaafa, qaarka kalana la ogoleysiinayo dabar go’ynta dadka iyo dhulka Falastiin, haddii ay taasi dhacdana waxey taladoodu ku soo biyo shuban doontaa danaha Yuhuuda ay ka leedahay caalamka intiisa kale in la meelmariyo, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika in iyadana looga fuliyo sida ay u rabto qorshaheeda istratejiyadeed, taasina waa halis ku soo wajahan Soomaaliya haddii aan laga sii gaashaaman ka hortegida waxyeelada ay soo wadato.
Madaxda Soomaalida waxaa looga baahan yahay in indhahoodu ku furnaado mowjadaha isxigxiga ee caalamka ka soo cusboonaaday iyo saameeyntooda taban oo uga iman karta dalka Soomaaliya oo dhacdooyinkooda ka hor u baahan in laga sii tabaabusheysto, waxeyna Soomaalidu ku mahmaahdaa: Gol eey ay lagu sahmiyaa, burjuwaasiyiinta cusub ee Mareykanka waxey adduunka ku sahminayaan meelmarinta rabitaanka Yuhuuda oo u adeegaya danahooda qarsoon, waxeyna taas noqoneysaa mida adduunka u noqoneysa halbeega fikradeed oo la isgu baheysanayo qaabkii adduunka loo hogaaminteeda loo afduuban lahaa fikir ahaan, dhaqaale ahaan, iyo siyaasad ahaan.
Adduunka waxaa soo maray fikrado jirjiroole ahaa oo isku wada mid ahaa oo adduunka lahaanshihiisa lagu qasbanayey in lagu kasbado qabsashadiisa, kuwaas oo xeeladaha loo marayey ay ku kala gedisnaayeen xirfadaha loo adeegsadey sida, xoogga, hanjabaada, laaluushka, naasnuujinta, qiyaanada, mabda’-wadaag, iyo isla wada daneysi, waxaana hadba la raacayey midkii marxaladaas xaaladeeda ku shaqeyn karey, Waxyaabahaas adduunka soo maray waxey ahaayeen: Adoonsi, Gumeysi, Dagaal Fikir, Isbaheysiyo siyaasadeed, Dagaal Weyne Adduun, Dagaal Qabow, iyo Tartan qowad weyni, waxeyna kuwaas dhamaantood salka ku wada hayaan hal fikir oo ah inaad indho la’aan maankaaga gelisid maslaxada laguugu talinayo inaad raacdid la xisaabtan la’aan oo aad adeecdid awooda kaa sareysa oo danaheeda kugu hageysa.
Fikradahaas iyagoo iski mida ayaa wax laga bedelayey qaabka habdhaqankooda si loo waafajiyo koboca dareenka dadka iyo u qurxinta macaamilka magacyada cusub si waxa qarsoon dadka looga daboolo oo falsafadaha cusub oo ay xambaarsan yihiin loogu muujiyo iney ka turjumayaan isbedel tayo leh oo meesha ka saaraysa caqabadahii kuwii ka horeeyey laga fahmey iyadoo kuwo cusub asraarteed lagu sii duugayo, waxaana falsafadahaas maaweeladooda curiya shirkado si qarsoon marxaladaha jira iyo kuwa soo socda ugu sameeya cilmi-baarisyo, waxaana fulintooda u xilsaaran ururo qarsoodiya oo ay maalgeliyaan maalqabeeno caqiidadoodu caabudo sheydaanka iyo insiga sharwadeyaasha ah oo rumeysan iney iyaga keliya yihiin kuwa Ilaahey doortay iney adduunka u taliyaan.
Si kasta oo aad kuwaas xeradooda aad ugu jirtid danta laaga leeyahay waa lagaa fulsanayaa adigoon agtooda wax qiimo ah aadan ku lahayn, balse adiga ay kuu dheer tahay inaad u dhagaroodey qiyaanada maslaxadda dadkaaga, diintaada, dalkaaga, dowladda, iyo qayiimka ummaddaada. Fadlan yeysan noqon madaxda ummadda Soomaaliyeed mid ay maalqabeeno kibirsan ay cagaha dhulka ugu dhuftaan oo ay ka fulsadaan danaha rabitaankooda, iyadoo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed aysan wax talo ah aysan ku lahayn hawl-u-fulintooda ku dhisan amar ku taagleynta, kuwaas oo ah wax baalmarsan hanaanka ku dhisan isxushmeynta ka dhexeysa dalalka caalamka.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Hogaamiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com