Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal loo heesto la shaqeynta Al Shabaab oo maxkamad lasoo taagay (Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada Culus ee  Jubbaland, ayaa Maanta u fariisatay dhageysiga kiis uu eedeysane yahay Mukhtaar Cabdi Aadan ( Hoobiye ) oo ahaa sargaal ka tirsan ciidamada Jubbaland, kaa oo loo heysto la shaqeynta kooxda Al Shabaab.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee  Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa furay fadhiga maxkamada, waxa uuna sheegay in dhinacyada dacwada ay u furan tahay soo bandhigista dacwadooda ku aadan eeda loo heysto Mukhtaar Cabdi Aadan.

Xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali, ayaa maxkamada ka hor aqriyay kiiska ay ku eedeynayaan Mukhtaar Cabdi Aadan (Hoobiye), asagoo sheegay in eedeysanaha la shaqeynta Al Shabaab uu bilaabay Sanadka 2021-kii, waxa uuna xusay in uu u qaabilsanaa gudbinta xogaha ciidamada  Jubaland, sida barista kiiskaan ay ku ogaadeen xafiiska dambi barista iyo ciidamada qaaska ah ee Jubbaland oo iska kaashaday baarista kiiska eedeysane Mukhtaar Cabdi Aadan.

Intaas kadib, guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa  soo xiray fadhiga maxkamadda, isagoo sheegay in mar kale Maxkamaddu ay fadhi ka yeelan doonto kiiska eedeysanaha Mukhtaar Cabdi Aadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaalida gobolka Maine (USA) oo taageeray Mowqifka DF ee damaca Itoobiya (Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Wasiirda DF oo anxiyey heshiis lala galay Tanzania

Caydiid Ali

(Sawirro) DF oo dalka ku soo celisay dhalinyaro tahriibayaal ah oo ku xirnaa..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---