Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad ka carootay sida Mareykanka ula dhaqmay muhaajiriin uu soo tarxiilay

Dowladda Mareyakanka, ayaa bilowday in ay dalkeeda ka tarxiisho muhaajiriinta sifaha sharcidarada ah kusoo galay dalkaasi, maalmo kaddib markii uu talada Aqalka Cad si rasmi ah ula wareegay Madaxweynaha mayalka adag ee Donald Trump.

Mareykanka , ayaa diyaarado milatari ku daadgureenaya dadka muhaajiriinta ah ee dalkeeda sharcidarada kusoo galay kuna joogay, waxaana dadkaasi diyaarada lagu qaadayay iyaga oo gacmaha ka xir xiran, waxaa sidoo kale loo diidayay in biyo iyo raashin la siiyo inta ay  hawada ku jiraan.

Dowladda Brazil ayaa  si weyn uga carootay muwaadiniin u dhashay dalkeeda oo laga soo tarxiilayay Mareykanka sida loola dhaqmay, waxa ayna Brazil wax laga xumaado ku tilmaamay in muwaadiniintooda iyaga oo gacmaha ka xir xiran oon la siin tixgelin diyaarad laga soo dejiyay.

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Brazil , ayaa sheegtay in ay Xukuumadda Washington ka dalban doonto in ay sharraxaad dheeri ah ka bixiyaan sida foosha xun iyo bahdilaada ah ay ula dhaqmeen muwaadiniinta Brazil ee soo tarxiileen.

Xiisadan ayaa imaaneysa iyadoo Latin America ay la daalaa dhacayso ku soo laabashada madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo keenaysa ajande adag oo ka dhan ah socdaalka, isagoo ballan qaaday in la xakameynayo socdaalka aan caadiga ahayn iyo masaafurinta tirada badan.

Markii ay diyaarad siday 88-qof oo muhaajiriin u dhashay Brazil ka degtay waqooyiga magaalada Manaus, ayaa  mas’uuliyiinta dowladda Brazil waxay ku amreen saraakiisha Mareykanka inay si degdeg ah uga qaadaan katiinadaha muhaajiriinta diyaarada lagu keenay.

Wasiirka cadaalada dowladda Brazil Ricardo Lewandowski, ayaa u sheegay madaxweynaha dalkaasi Luiz Inacio Lula da Silva, in dowladda Mareyaknak si weyn ugu xadgudubtay xuquuqda aasaasiga ah ee leeyihiin muwaadiniinta Brazil , laguna sameeyay xadgudub iyo bahdilaad .

Mareykanka ayaa diyaarado milatari ku daadgureenaya muhaajiriinta kasoo jeeda Latin Amerika ee dalkaasi sharcidarada ku galay kuna joogay, waxaana gudaha Mareykanka ka socda howlgal lagu raafayo ajanaiibta dalkaasi galay intii uu tala hayay Madaxweyne Joe Biden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiinta oo diyaariyay Liiska Xubnaha Guddiga Doorashada ee muranka ka jiro

Cabdi Cade

Sargaal ajnabi ah oo katirsanaa Daacish oo lasoo bandhigay xogna bixiyay

Cabdi Cade

Wiil uu dhalay Amiirka Fujayra ee dalka Imaaraadka oo iska dhiibay dalka Qatar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---