Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo shaacisay in Dagaal kula jiraan Argagaxiso heesata qalab casri ah oo ay…

Maamulka Puntland, ayaa sheegay in ay dagaal ula jiraan argagaxiso caalami ah oo ka kala yimid waddamo kala duwan oo carbeed iyo kuwa Afrikan ah, kuwaa oo ay sheegeen in ay adeegsanayaan hub iyo sidoo kale tiknoolajiyad casri ah.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in ciidankooda dagaal adag kula jiraan koox argagaxiso caalami ah, uu tilmaamay in ay heestaan qalab ku dhisan farsamada casriga ah ee tiknoolajiyada.

Waxa uu sheegay wasiirka in ciidamada Puntland naftooda u hibeeyeen in ay Gacanka Cadmeed iyo shucuubta ku dhaqan Geeska Afrika ka difaacaan argagixiso Caalami ah oo isaga yimid dunida daafaheeda, kuwaa uu xusay in ay heestaan qalab casri ah, oo ay ku jiraan diyaarado qaraxyo xambaarsan iyo ookiyaalaha habeenkii lagu dagaallamo.

“Ciidamada difaaca Puntland, waxay naftooda u hibeeyeen in ay Gacanka Cadmeed iyo Shucuubta ku dhaqan Geeska Afrika ka difaacaan Argagixiso Caalami ah oo dunida laga soo waariday, oo ay ku jiraan kuwii lagaga soo adkaaday Shaam iyo Waqooyiga Afrika, meelaha ay ugu galeenna xitaa daanyeerku naftiisa kuma aamino; iska daa askari qori sita oo cadow iska ilaalinayee” ayuu yiri wasiir Caydiid Dirir.

Wasiirka Warfafainta Puntland, ayaa sheegaya in Daacish adeegsanayaan diyaarado qaraxyo laga soo buuxiyay kuwaa uu tilmaamay in gaadiidka dagaalka iyo ciidanka ay kor kaga imaanayaan , waxa uuna xusay in dagaalka Puntland ka socda uu lamid yahay midka Ukraine.

“Ciidamadeenna waxaa lagu la dagaallamayaa waa High-teck waana diyaarado qaraxyo xambaarsan oo askariga iyo gaadiidka dusha kaga imaanaya iyo farsamooyin casri ah. Dagaalkaasi Puntland iyo Ukraine maahee meel kale adduunka kama socdo, ” ayuu sii raaciyay wasiir Dirir.

Ciidamada Puntland, ayaa marar badan sheegay in ay soo rideen gacantana ku dhigeen diyaarado nuuca drone-ska loo yaqaan oo lagu soo weeraray ciidankooda, waxa ayna ciidamada Puntland isku dayayaan in gabi ahaan dhulka buuraha ka saaraan kooxda Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Mareykanka oo duqeyn ka geystay koonfurta Somalia

Caydiid Ali

Wax ka Ogow Caqabadaha Farmaajo kahor taagan Magacaabista Ra’isul Wasaaraha

Cabdi Cade

Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay gudaha magaalada Adis Ababa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---