Allbanaadir.com
NEWS

Madaxa Sirdoonka Turkiga oo tagay Dimishiq lana kulmay Axmed Al-Sharaa

Madaxa sirdoonka dowladda Turkiga iyo xubno la socday , ayaa shalay oo Axad aheyd tagay magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya, waxa ayna halkaasi kulamo kula qaateen hoggaamiyaha dalka Suuriya Axmed Al-Sharaa iyo masuuliyiin kale.

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in hoggaamiye Al-Sharaa ay wafdiga Turkiga kala hadleen dhowr faylal iyo arrimo amni, waxa ay sidoo kale labada dhinac is dhaafsadeen xogo sirdoon oo aan loo soo bandhigin warbaahinta.

Madaxa sirdoonka Turkiga Ibrahim Kalin, ayaa sidoo kale hoggaanka dowladda Suuriya kala hadlay sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen ammaanka guud iyo is dhaafsiga xogaha muhiimka ah ee dhinaca sirdoonka ah, si looga hortago kooxaha halista ku ah amniga labada dal.

Dowladda Turkiga ayaa la rumeysan yahay in ay sababta ugu weyn ee isbadalka uga dhacay dalka Suuriya, waxa ayna Turkiga taageerayeen kooxda mucaaradka hubeysan ee hadda talada dalka Suuriya xooga kula wareegay una horseeday isbadel weyn oo lagu diirsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Amniga DF oo soo saaray amar culus oo ku socda Heyadda NISA (Akhriso)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Farmaajo oo ka qeyb galay Furitaanka Madasha Iskaashiga Afrika iyo …

Cabdi Cade

Booliska Maamulka Galmudug oo ku hanjabay shaqo joojin iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---