Ciidamada difaaca maamulka Puntland, ayaa howlgallo balaaan kawada buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas ay kula dagaallamayaan maleeshiyaad katirsan kooxda argagaxisada ah ee Daacish, kuwaa oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib.
War kasoo baxay taliska ciidamada difaaca Puntland , ayaa lagu shaaciyay in ciidamada howlgalka wada ay la wareegeen ilaa 8-saldhig iyo talisyo kale oo muhiim ah oo ay buuraha Calmiskaad ku lahaayeen kooxda hubeysan ee Daacish.
Ciidamada PMPF oo warbixin kooban baahiyay ayaa sheegay in kaddib dagaal xooggan oo socday mudda 4 cisho ah mileeshiyaadka Daacish laga nadiifiyay ilaa 8 goobood oo muhiimad sare u lahaa joogitaanka kooxdaasi ee buuraleyda Calmiskaad.
“Ciidamada Difaaca Puntland oo muddo afar cisho ah dagaallo xooggan ku qaaday Argagixisada Daacisha ayaa ka saaray Talisyo iyo Saldhigyo muhiimad sare u lahaa. Goobaha ay ciidamaddu kala waregeen Argagixisada Daacish waxaa ka mid ah Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo isha Siido” ayaa lagu yiri Warbixinta kasoo baxay taliska PMPF.
Howlgalka ay wadaan ciidamada maamulka Puntland ayaana wali ka socda buuraha gobolka Bari, waxa ayna ciidamada isku dayayaan sidii ay usoo afjari lahaayeen jaritaanka kooxda Daacish ee saldhigyada ka dhigtay buuraha gobolka Bari.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com