Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa wada qorshe uu ku doonayo in shacabka Falastiin ee ku sugan magaalada Gaza loo raro dalalka Masar iyo Cumaan, si magaalada Gasa u noqoto dhul bannaan oo bur bursan lagana guuro.
Dowladda Masar , ayaa si adag uga hortimid soo jeedinta Madaxweyn aha dalka Mareykanka, waxa ay Masar sheegtay in ya taageerayaan shacabka Gasa ee halganka ugu jira sidii dhulkooda xur u noqon lahaa, loona heli nlahaa ammaan buuxa.
“Masar waxay diiddan tahay ku xad-gudub kasta oo lagu sameeyo xuquuqdaas aan laga gorgortami karin, ha ahaato mid deegaamayn lagu samaynayo dhulka, dhul boob ah, ama in dadka asal ahaanba dhulkaas u dhashay laga qasbo inay ka baxaan, iyadoo la adeegsanayo barakicin, dhiirrigelinta raritaan qasab ah, ama in Falastiiniyiinta laga rujiyo dhulkooda, ha ahaato si ku-meel-gaar ah ama mid joogto ahba”. ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.
Madaxweyne Trump, oo Gasa ku sifeeyay “goob burbur xooggan uu ka muuqdo” kaddib dagaalkii u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamas, ayaa shaaca ka qaaday inuu arrintan kala hadlay Boqorka Urdun, Cabdalla II, isla markaana uu rajeynayo inuu isna la hadlo Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi.
Maamulka Israa’iil oo taageero ka helaya Mareykanka , ayaa doonaya in magaalada Gasa mustaqabla laga guuro ayna ahaato dhul bur bursan oo lama degaan ah, hasa ahaatee shacabka Fakastiin iyo xoogaga Xamaas ayaa ka biyo diiday qorshaha ay ku riyoonayaan Israa’iil iyo Mareykanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com