Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo soo saartay awaamiir cusub oo dhinaca amniga ah iyo Ajaaniibta oo..

Wasaaradda Amniga Puntland oo tixraacaysa go’aannadii ku saabsanaa xakamaynta khatarta ajaanibta ee uu xalay soo saaray wasiirka Arrimaha gudaha, Cabdi Faarax Juxaa ayaa sheegtay in aysan gebi ahaanba xuduudaha Puntland soo geli karin ajaanib sharci la’aan ah.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda Amniga Puntland oo uu warbaahinta u akhriyay Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamuud Xasan Maxamed ayaa lagu sheegay in aysan dhammaan xuduudaha Puntland ka soo geli karin ajaanib sharci la’aan ah, islamarkaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo aan u hoggaansamin go’aannadii soo baxay.

“Waxaan go’aaminay in dhammaan xuduudaha Puntland sida garoomada diyaaradaha, Kantaroollada iyo dekedaha midna aysan ka soo degi karin cid ama qof anjabi ah oo aan ogolaansho ka haysan wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland” ayuu yiri Agaasimaha wasaaradda Amniga Puntland Maxamuud Xasan Maxamed oo warbaahinta u akhriyay bayaankaasi.

Xukuumadda Puntland waxay sidoo kale amar ku siisay dhammaan cid kasta oo ay u shaqeeyaan ajaanib sida; shirkadaha Ganacsiga, Wershadaha, xarumaha Caafimaadka iyo goobaha Waxbarashada in ay mudda 72 saac gudahood ah ku soo diiwaan-geliyaan, si loo hubiyo cidda mas’uulka ka ah.

“Waxaa la faraya dhammaan cid kasta oo ajaanib dalka keentay ama soo gelisay sida; shirkadaha Ganacsiga, wershadaha, xarumaha Caafimaadka iyo xarumaha Waxbarashada in ay ku soo diiwaan-geliyaan mudda 72 saac gudahood ah, si loo xaqiijiyo Amnigooda iyo cidda mas’uuliyadooda qaadaysa” ayuu sii raaciya bayaanka wasaaradda Amniga Puntland.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku wargelisay dhammaan mas’uuliyiinta Hoteellada iyo goobaha la seexdo in ay mudda 24 saac gudahood ah maamulka soo ogaysiiyaan cid kasta oo ku soo biirtay, si loo xaqiijiyo cidda ay yihiin iyo meesha ay ka yimaadeen.

 

Related posts

Kooxda Islamic Jihad oo War cusub ka soo saartay weeraradii ka dhacay Gaza

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo Magacaabay Guddiga dib u furista Wadooyinka xiran (Akhriso Magacyada)

Caydiid Ali

Mareykanka oo ku baaqay in heshiis deg deg ah laga gaaro Doorashada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---