Allbanaadir.com
NEWS

Amniga caasimadda Muqdisho iyo arrimo kale oo muhiim ah oo laga shiray

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa guddoomiyay shir looga hadlaayay dar-dargelinta amniga caasimadda iyo xoojinta wada-shaqeynta maamulada degmooyinka iyo hey’addaha amaanka.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hey’addaha amniga, isagoona boogaadiyay guulaha laga gaaray amniga oo ay ku naaloonayaan bulshada gobolka Banaadir, waxa uuna faray laamaha amniga iyo maamulada degmooyinka in la xoojiyo wada-shaqeynta guud, si looga hortago wax weliba oo ka hor imaan kara amniga caasimadda.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay sare u qaadida nadaafada iyo bilicda caasimadda, dar-dargelinta dakhli aruurinta, u diyaar garowga xilli roobaadka, asigoona kula dar-daarmay saraakiisha iyo maamulada degmooyinka in ay si hufan oo ay kujirto daacadnimo iyo Alla kacabsi ay u gutaan waajibaadka loo igmaday islamarkaana la iskula xisaabtami doono mas’uuliyada shacabka loogu adeegayo.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir , Taliyaha Ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar, Taliyeyaasha qeybta guud ee Booliska iyo Nabad sugida G/Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Police Military, guddoomiyaasha degmooyinka, taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa saldhigyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Faroole oo ku jees-jeesay Wasiir Goodax iyo Villa Somalia oo shirqool cusub wada

Caydiid Ali

Ikraan Tahliil hooyadeed: “Waa wax laga xumaado talaabada uu qaaday Farmaajo”

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Xasan Kheyre oo kormeer ku tagay Wasaarada Maaliyada iyo xarunta Bangiga Dhaxe

admin
Taboola Ads ---