Allbanaadir.com
NEWS

80 Arday oo ka qelin-jabiyey Jaamacada UPEACE faraca Somalia (Sawirro)

Munaasabad ay ku qalin jabinayeen illaa 80 arday oo wax ka bartay Jaamacada Nabada ee Qaramada Midoobay faraceeda Somalia  ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho (The 4th Gratulation Ceremony) taasoo ay ka qeyb galeen madaxda sare ee dalka, Wasiiro, Madaxda Jaamacadda, qaar ka mid ah safiirada dalalka caalamka u jooga Somalia iyo marti sharaf kale.

Ardaydan  ayaa ka qelin-jebiyey qeybaha Waxbarashada heerka labaad iyo 3aad (Master and PhD) ee Jaamacadda Nabada ee Qaramada Midoobay sida uu sheegay Dr. Mohamed Yusuf oo Madaxa xarunta Somalia ee Jaamacadda UPEACE.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Munaasabadda qalin-jabinta ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumaddu awoodda saari doonto sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada heerarkeeda kala duwan, isla markaana uu socdo qorshaha dhismaha guddiga sare ee Waxbarashada dalka.

“Waxaan ku dhawaaqayaa in 60 arday oo Soomaaliyeed ay si bilaash ah ugu baran doonaan heerka PhD-da Jaamacadda Nabadda Adduunka (UPEACE). Tani waa tallaabo cad oo ka tarjumeysa sida Dowladdu ay uga go’an tahay in ay dhisto hoggaamiyeyaal aqoon sare leh oo mustaqbalka dalka door weyn ka qaata.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’isul Wasaaraha sheegay in aqoonta iyo Waxbarashadu ay laf-dhabar u yihiin horumarinta Qaranka iyo tayeynta hey’addaha dowladda, si taas looga miro-dhaliyana loo baahanyahay in kor loo qaado aqoonyahannada dalka, iyada oo xoogga la saarayo sidii dadka waxbartay u hoggaamin lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa, ayaa ugu hambalyeeyay ardayda dhammaysatay waxbarashada daraasaadka sare dadaalka dheer ay ku bixiyeen aqoonta, isaga oo xusay inay lagama maarmaan tahay in ay uga faa’iideeyaan aqoontaas walaalahooda Soomaaliyeed, si loo gaaro horumar, nabad iyo xasilooni bulsho.

“Maanta oo kale waxaa dunida laga xusaa maalinta caalamiga  ee loo asteeyey Waxbarashada Adduunka, taasoo na xusuusinaysaa in waxbarashadu tahay xuquuq aasaasi ah oo ay tahay in dhammaan dadka dunida ay helaan, gaar ahaan dhallinyarada, si ay u noqdaan kuwo doorkooda ka  qaata nabadda, horumarka, iyo midnimada” ayuu yiri raisul Wasaaraha

Raisul Wasaaraha ka hor waxaa ka hadlay masuuliyiin uu ka mid ahaa Dr. Maxamed Yuusuf oo Madaxa xarunta Somalia ee Jaamacadda UPEACE oo   munaasabada ka sheegay in ardayda ka baxday Jaamacadaha dalka ay heystaan fursad dahabi ah maadaama ay dalkooda xarun ku leedahay Jaamacada UPEACE oo uu xusay iney tahay jaamacad caalami ah, wuxuuna tilmaamay iney jiraan dalal Somalia ka horumarsan oo aan weli fursadan helin.

Prof. Samuel Kale oo ah madaxa Afrika u qaabilsan Jaamacadda UPEACE oo ayaa isna xusay iney ku faraxsan yihiin in Jaamacadu ka howlgasho Somalia sanadihii u dambeeyey, wuxuuna xusay in Jaamacaddan ay tahay mid aqooneed oo aan wax shaqo ah ku laheyn Siyaasad iwm.

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Somalia Faarax Shiikh C/qaadir oo ka mid ah aqoonyahadii horey uga qalin jebiyey Jaamacadan ayaa u hambalyeeyey arday sanadkan ka aflaxay jaamacadda Nabada ee QM isagoo ku booriyey in aqoonta ay barteen uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda.

Jaamaacadda Nabada ee Qaramada Midoobay (University for Peace (UPEACE) waxaa la asaasay 5tii bishii Disembar sanadkii 1980kii ka dib go’aan  ka soo baxay Qaramada Midoobay, xarunteeda dhexe waxay ku taalla dalka Costa-rica, waxayna xarun goboleedyo iyo faracyo ku leedahay dalal badan oo ku baahsan caalamka, qeybta Afrika xarunteeda dhexe Addis ababa, waajibaadkeeda waxaa ka mid ah xoojinta awooda Jaamacadaha Afrika, dhinaca aqoonta, Cilmi-baarista iyo arrimaha bulshadajm waxaana intii ay Somalia ka howlgaleysay ka aflaxay boqolaal aqoonyahan oo kaalimo muhiim ah kaga jira horumarinta bulshadda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Webiga Shabelle oo fatahaad ka bilaabay Sh/dhexe & Cali Guudlaawe oo kormeeray

Caydiid Ali

Wadashaqaynta Garsoorka JFS iyo Barnaamijka balaadhinta adeegyada Marin u helida Cadaaladda oo la Daah furay

Cabdi Cade

(Akhriso) Dacwad ka dhan ah Taliyaha NISA oo loo gudbiyey Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---