Allbanaadir.com
NEWS

Shir Arrimo muhiim ah looga hadlay oo ka dhacay xafiiska Ra’isul Wasaaraha

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa guddoomiyey shirka tiirka horumarinta arrimaha bulshada ee Xukuumadda.

Shirkan ka dhaca xafiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa intii uu socday looga hadlay dardargalinta dadaallada dowladdu ku gaarsiineyso bulshada adeegyada kala duwan, iyo sidii loo laba jibaari lahaa adeegyada loo hayo bulshada..

Shirka oo ay ka qeyb galeen wasaaradaha iyo hey’addaha ka shaqeeya arrimaha bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku aaddan horumarinta karaanka aadanaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga bulshada iyadoo wasaaraddaha caafimaadka, waxbarashada iyo dhallinyarada ay warbixino la wadaageen shirka.

Mudane Cabdisalaan, ayaa sheegay in tiirka arrimaha bulshadu yahay mid muhiim u ah horumarinta ummadda Soomaaliyeed, waxaanna uu faray wasaaraddaha ku shaqada leh in la dardargaliyo arrimaha la xiriirra adeegyadda dowladdu gaarsiinayso shacabkeenna si looga miradhaliyo qorshaha Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo shuruud ku xirtay iney Mashaariic ka fuliso gobolada dalka

Caydiid Ali

Bobi Wine oo loo diiday in gurigiisa ka baxo kana hadlay natiijada Doorashadii dhacday

Cabdi Cade

Muuqaal Dareen Xumbaarsan oo laga soo qaaday nin ku dhaawacmay Qaraxii Degmada Hodan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---