Maamulka Jubbaland auaa cafis u fidiyey ciidamo ka tirsanaa maamulkaas oo horey uga goostay kuna biiray kuwa dowlada Somalia oo khilaaf adag uu kala dhexeeyo hogaamiyaha maamulkaas Axmed Madoobe.
Guddoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose Xasan Nuur Cabdi ayaa ku guuleystay inuu si nabad ah ku soo xareeyo ciidan ka mid ah kuwii taacay guddoomiyihii hore ee degmadaasi kuwaasoo ay dowladda fadaraalka u adeegsanaysay iney ka hor yimaadaan hogaamiyaha Maamulkaas
Ciidankan oo hore loo qalday ayaa wadahadaldheer kadib lagu guuleystay in ay dib ugu soo laabtaan ciidanka Jubbaland ee ay horey uga midka ahaayeen.
Waxaa fashilmay isku day dowlada federaalka ciidamo ku geysay qeybo ka mid ah gobolka Jubada hoose si cadaadis loo saaro Axmed Madoobe oo ka hor yimid hanaanka doorasho dadweyne oo uu damacsan yahay Madaxweyne Xassan Shiikh, isla markaana doorasho isaga u gaar ah ku qabsdaday Kismaayo.
Jubaland ayaa howlgal ciidan oo ay fulisay dhowaan ku fashilisay ciidamada DF ay geystay Raaskambooni kuwaasoo noqday intooda badan maxaabiis ahan loo qabtay laguna soo celiyey magaalada Muqdisho halka qaar kalena ay ka talaabeen xadka Kenya, kuwa kalena waxayu noqdeen wax dagaalka lagu dilay iyo qaar dhaawacmay.