Xamaas ayaa maanta ah sii deysay afar haween ah oo ka tirsan ciidamada Israel, kuwaasoo ay ku bedelatay ilaa 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah, is-dhaafsigan oo qeyb ka ah heshiis xabbad-joojin ah oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka 15-ka bilood ka socday Gaza.
Afarta qof ayaa la geeyay fagaare ku yaal magaalada Gaza oo ay ku sugnaayeen dad badan oo Falastiiniyiin ah, waxaana hareeraha ka taagnaa tobanaan ka tirsan ciidamada Xamaas oo hubeysan.
Waxa ay gacan haadinayeen dadka iyagoo dhoola-cadeynayayay ka hor intii aan la kaxeynin, waxaana lagu qaaday gawaarida hay’adda ICRC oo u geeyay ciidamada Israel.
Askartan oo kala ah – Karina Ariev, Daniella Gilboa, Naama Levy iyo Liri Albag – ayaa dhamaantood ka howlgalayay aag ku yaalla agagaarka Gaza, waxaana afduubay dagaalyahannada Xamaas oo xoog ku qabsaday xaruntooda intii uu socday weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii October, sanadkii 2023-kii.
Waalidiintood ayaa markii ay shaashadda ka arkeen sacab iyo farxad la ooyay, iyagoo si toos ah sii deynta uga daawanayay saldhig ciidan oo ku yaalla xadka. Magaalada Tel Aviv, boqolaal Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay fagaaraha lagu magacaabo Hostages Square, iyagoo muujinayay farxadda sii deynta askarta oo ay ka daawanayeen shaashad weyn.
Askarta la sii daayay ayaa qoysaskooda dib ula midoobay wax yar ka dib, sida laga soo xigtay militariga, waxaana loo qaaday isbitaal ku yaal bartamaha Israel, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Israel.
Farxadda sii deynta haweenkan ka tirsanaa ciidamada ayaa waxaa barbar socday niyad jab ka dib markii haweeney rayid ah oo lala sii deyn lahaa afarta askari laga waayay liiska dadka ay Xamaas sii deyneyso.
Afhayeen u hadlay milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay tahay in la jebiyay xabbad joojinta, halka Xamaas ay sheegtay in ay tahay arrin farsamo.
Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Falastiiniyiinta Gaza aan loo oggolaan doonin in ay dib ugu soo laabtaan dhanka waqooyi ee Marinka illaa inta arrintan laga xallinayo.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA