Allbanaadir.com
NEWS

Khuburo baaritaanno ku bilaabay Kalluunka Homboro oo kusoo caariyay Boosaaso

Maamulka  Puntland oo adeegsanaysa khubaro aqoon durugsan u leh Cilmiga badda iyo Seyniska ayaa baaritaan rasmi ah ku bilowday sababta keentay in Kalluun badan ka soo caariyo xeebta magaalada Boosaaso.

Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo kaashanaysa wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa baaritaan ku bilowday sababta keentay in uu xeebta Boosaaso dibadda uga soo baxo kalluun badan oo nooca Homboborada loo yaqaan ah kaasi oo ay ku jiraan tiro ka badan 100 oo dhintay.

Mas’uuliyiinta wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo ay weheliyaan khubaro ka socda jaamacadaha oo aqoon u leh Culuumta badda ayaa booqday goobtii uu ka soo caariyay kalluunka badan waxaana ay dhecaanno ka soo qaadeen in ka badan 100 Homboro oo dhintay halka ay muunad (Sample) ka soo qaadeen biyihii badda ee soo tufay kalluunkaasi.

Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa sheegtay in baaritaan cilmiyaysan loo dirayo dhecaannada Homborada iyo muunadda laga soo qaaday biyaha badda si loo ogaado sababaha keenay in baddu soo tufto kalluun intaasi tiro le’eg oo dhintay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacabka Gaza oo si cajiib ah uga falceliyay Warqado ay daadiyeen ciidamada Israel

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal culus oo dib uga qarxay Sudan iyo Xabbad-joojintii oo…

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay Madaxweynaha cusub ee Jubbaland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---