Kooxda Xamaas , ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah sii daayaan afar haween ah oo katirsanaa ciidamada Israa’iil, kuwaa oo kamid ahaa dadka maxabaiista ah ee gacanta kooxda Xamaas lu jiray muddo sannad ka badan.
Haweenkan katirsanaa ciidamada Israa’iil , ayaa lagu beddelan doonaa 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo u xirnaa Israa’iil, waxa ayna sii deynta maxaabiistan qeyb ka tahay heshiiska xabbad-joojinta ay dhawaan gaareen Xamaas iyo Israa’iil.
Magaalada Gasa , ayaa maanta si weyn looga dareemayaa soo dhaweynta maxaabiista la filayo in Israa’iil sii daayaan, waxaana qeybo kamid ah magaalada Gasa isugu soo baxay askar katirsan Xamaas iyo shacab badan oo Falastiiniyiin ah.
Xamaas ayaa horey usii deysay saddex haween ah oo katirsanaa maxaabiistii gacantooda ku jiray, waxaana haweenkaasi iyana lagu beddelay 90-maxbuus oo Falastiiniyiin ahaa kuwaa oo laga sii daayay xabsiyada maamulka Israa’iil.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac, Israa’iil ayaa duqeyo iyo dagaal ku dishay dad ka badan 47,200 oo shacab Falastiiniyiin ah, halka Xamaas iyana dileen ku dhawaan 2=kun oo Israa’iiliyiin ah oo askar badan ku jiraan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com