Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo weerar culus oo qaraxyo ku bilowday saakay ku qaaday magaalada ….

Kooxda Al Shabaab , ayaa saakay aroortii hore weerar culus oo ku bilowday qaraxyo baabuur laga soo buuxiyay waxa ay ku qaadeen magaalada Masagaway ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay.

Sida aan wararka ku helnay baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay , ayaa lagu dhuftay saldhigyo ay ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka kaga sugnaayeen deegaanka Masagaway, waxaana qaraxyada kaddib halkaasi ka dhacay weerar toos ah oo Al Shabaab ku qaadeen ciidanka huwanta ah.

Dagaal xooggan ayaa halkaasi ku dhax maray kooxdii weerarka soo qaaday ee Al Shabaab iyo ciidanka dowladda, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in kooxda Al Shabaab u suurto gashay in ay la wareegaan saldhigyadii ay weerarka ku qaadeen.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ka badbaaday weerarka qaraxyada ku bilowday , ayaa lagu soo waramayaa in ay joogaan oo difaac kaga jiraan bannaanka magaalada, waxaana halkaasi u dhaqaaqay ciidamo kale oo katirsan dowladda oo u gurmanaya ciidanka la weeraray.

Weerarkan xooggan ee Al Shabaab saakay ku qaadeen magaalada Masagaway ayaan la ogeyn khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay, waxaana wararka la helayo sheegayaan in labada dhinac uu khasaaro xooggan kala gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madatasha Talo-wadaag oo war kasoo saartay Go’aankii Baarlamaanka ku eryeen Shirkada DP World

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo si adag uga hadlay Hanjabaadii Cumar Finish (Akhriso)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Shaaciyay in Garbahaarey aysan Doorasho ka dhici karin (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---