Madaxweynaha dalka Komooros Asaali Cusmaani , ayaa si cad u sheegay in xilka Madaxweynaha ku wareejin doono wiilkiisa, marka ay soo dhammaato muddo xileedkiisa, iyadoona tani meesha ka saareyso shaki horey looga qabay in qorshahan uu damacsan yahay.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha dalka Komooros in wiilkiisa Nuur Al-fatxi xilka ku wareejin doono marka la gaaro sannadka 2029-ka, waxa uuna si aan gambasho laheyn u shaaciyay in xilkaasi uu mudan yahay wiilkiisa kuna wareejin doono.
Madaxweyne Asaali, ayaa  wiilkiisa Al Fatxi hadda u carbinaya sidii uu xilka Madaxweynaha ugala wareegi lahaa, waxa uuna hadda u xil saaray isku xirka arrimaha dowladda, waxaana uu u oggolaaday inuu awood ku yeesho golaha wasiirrada.
Xisbiga talada haya ee uu madaxda ka yahay Cusmaani ayaa bishan si lama filaan ah ugu guuleystey doorashadii baarlamaanka, inkastoo xisbiyada mucaaradku ay qaadaceen codbixinta ama ay diideen natiijada, iyagoo ku andacoonaya in la musuqmaasuqay.
Dadka reer Komooroos, ayaa horey u hadal hayay in Madaxweynaha uu qorsheenayo in xilka ku wareejiyo wiilkiisa Al-fatxi, waxaana tallaabadaasi si weyn u cambaareenayay mucaaradka Komooroos, hadalka Madaxweynaha sheegay ayaana hadda meesha ka saareysa tuhunkii horey loo qabay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com