Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo bilaabay xariga Muhaajiriinta la tarxiilayo (Sawirro)

Boqol muhaajiriin ah oo sharci darro ah ayaa la xiray, kuwaasoo diyaar u ah in laga musaafuriyo Mareykanka waa tallaabadii ugu horreysay ee ballan-qaadkii madaxweyne Trump ee ka dhanka ah muhaajiriinta aan sharciga haysan.

Xoghayihiisa warfaafinta Mareykanka ayaa sheegtay goor dambe oo Khamiistii ahayd in shan boqol iyo soddon iyo siddeed qof, oo lagu tilmaamay inay ahaayeen dambiilayaal soo galooti sharci darro ah, la xiray.

Karoline Leavitt ayaa sheegtay in ay ku jiraan xubno ka tirsan koox burcad ah oo u dhashay dalka Venezuela, iyo dad lagu helay dambiyo galmo. Madaxweyne Trump ayaa xaalad deg deg ah kaga dhawaaqay xadka Mareykanka iyo Mexico, wuxuuna amray in kun iyo shan boqol oo askari oo dheeri ah la geeyo halkaasi.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa shalay xaqiijisay in la joojiyay dhammaan safarradii qaxootiga ee Mareykanka, iyadoo la raacayo amarka fulinta ee madaxweyne Trump.

“Dhammaan safarradii horey loo qorsheeyay ee qaxootiga ee Mareykanka waa la baajiyay, mana jiri doono ballan cusub oo socdaalka la xiriirta”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Tallaabadan ayaa saamayn ku yeelatay in kumanaan qaxooti ah oo rajaynayay in ay u guuraan Mareykanka ay ku xayirmaan meelo kala duwan oo caalamka ah.

Dhanka akle Maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa faray dacwad oogayaasha inay baaritaan ku sameeyaan saraakiisha ka dhaga adayga dadaalka lagu xoojinayo ka hortagga socdaalka muhaajiriinta, ayadoo uu maamulku sii kordhinayo ugaarsiga uu Trump bilaabay isla maalintii uu xafiiska la wareegay.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Related posts

Maamulka DDSI shuruudo cusub ku soo rogay dadka qabanaya xilalka gobolada (Akhriso)

Caydiid Ali

Somaliland oo ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Golaha wadatashiga Somalia

Caydiid Ali

Ogow sida baarlamaanku xilka uga qaadi karaan wasiirada xukuumadda?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---