Nin toorey ku hubaysan ayaa goob lagu fiidsado oo ku taalla xaafada 18aad ee magaalada Jigjiga ku weeraray dadkii joogay ee halkaas ku madadaalanayey.
Wuxuu halkaas ku dilay laba qof oo la sheegay inay ka mid ahaayeen dadkii goobtaas ku sugnaa halka uu dhaawacay qof saddexaad.
Dad goob joog ahaa waxay sheegeen in ninku cabsanaa oo uu Toorida dadka la dhex qaaday. isla markaana askari ka tirsan ciidanka degaanka oo aan hub waddan uu ka badbaadiyay dadka intiisa kale.
“Haddii uusan askarigaas soo gaarin wuxuu gaysan lahaa khasaare baddan” ayuu yiri goob jooge halkaas ku sugnaa.
Ninka weerarka geystay iyo dadka uu dilay ayaa la sheegay iney ismaan  dhaafeen falka ka hor.
Qofka dilka gaystay iyo kuwa dhintayba waa Soomali halka qofka dhaawaca ah uu ka soo jeedo qowmiyadaha kale ee Itoobiya.
Booliska Jigjiga ayaa sheegay iney gacanta ku soo dhigeen eedeysanaha toorida ku dilay labo nin, mid kalena  dhaawacay.
Eedeysanaha ayaa hadda xabsiga la dhigay, waxaana socda baaritaan lagu samaynayo sababta ka dambaysay inuu falkaasi ku kaco sida ay boolisku sheegeen.