Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad ka hor timid amar ka soo baxay Madaxweyne Trump

Garsoore Maraykan ah ayaa si ku meel gaar ah u hor istaagay amarkii Donald Trump ee ahaa in uu beddelo sharciga dhalashada, kaasoo la qorsheeyay inuu dhaqan galo bisha Febraayo.

Garsoore John Coughenour ayaa amarkan ku tilmaamay mid si cad uga soo horjeeda dastuurka dalka Mareykanka.

Garsooraha ayaa amar ku bixiyay in si ku meel gaar ah loo joojiyo mid ka mid ah amarada fulinta ee Donald Trump kaasoo doonayay in loo diido dhalashada carruurta muhaajiriinta aan sharciga lahayn.

“Tani waa amar aan gabi ahaan-ba aan dastuuri ahayn,” ayaa yiri garsooraha. Waxay ka dhigan tahay in amarka fulintiisa la hakin doono 14 maalmood iyadoo la sugayo dacwado kale ee dhanka sharci ah.

Dhanka kale afar gobol oo kala ah- Washington, Arizona, Illinois iyo Oregon – ayaa weydiistay maxkamadda degmada in ay xannibto amarka inta ay maxkamadda federaalku ay go’aan ka gaarayso dacwadaha ka dhanka amarka Trump ee ay gudbiyeen.

Amaradii is-dabajooga ahaa ee uu mdaxwayne Trump soo saaray maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka mid ahaa in sharciga dhalasahada wax laga badalo.

Sharciga dhalashada oo ah mid ku qoran dastuurka ayaa dhigaya in caruurta ku dhalata gudaha Mareykanka ay si toos ah u noqdaan Amerikan.

Trump ayaa ku amray hay’adaha Mareykanka inay diidaan inay aqoonsadaan dhalashada carruurta ku dhalatay Mareykanka haddii aysan hooyadood iyo aabahood midna ahayn muwaadin Mareykan ah ama sharci ahaan aysan haysan deganaanshaha joogtada ah.

Madaxweyne Donold Trump ayaa sheegay inuu racfaan ka qaadan doono go’aanka uu soo saaray garsoorahaasi.

Related posts

Isreal oo sheegtay in ay galeen Godad ay qoteen Xamaas lana wareegeen goobo kale

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay Jen Jimcaale Takar wadahadalna ugu baaqay Mucaaradka

Cabdi Cade

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo baaq u diray Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumada Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---