Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu ka dhigan yahay heshiiska istaraatiiji ee Somalia & Masar?

Labada hoggaamiye, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdulfataax Al-Siisi, ayaa si wadajir ah Qaahira uga sheegay inay labada dal; Soomaaliya iyo Masar sare u qaadeen xiriirkooda oo la gaarsiiyay iskaashi ‘istiraatijiyadeed’, tan oo ka dhigan inay labada dal , halkii u sarreeyay gaarsiiyeen xiriirkooda. Dalalku marka ay gaaraan heshiis iskaashi istiraatijiyadeed, waxay uga dhigantahay inay bixinayaan taageerrada dhinac walba , si la mid ah heshiiska uu Mareykanka kula jiro Israa’iil, ama heshiiska Mareykanka iyo Japan oo wadaaga iskaashi dhinac walba.

Xiriirka labada dal;

Masar , waxay tan iyo xataa xilligii gumeystaha iskudayi jirtay inay saameyn ku yeelato Soomaaliya, waqti kastana Qaahira waxay raadin jirtay inay noqoto dal xiriirka ugu sarreeya la leh Soomaaliya, iyadoo la xasuusto dadaalkii ay bixisay Masar ,markii uu dhacay burburka oo ay qeyb ka noqdeen howlgalkii labaad ee Qaramada Midoobay  Soomaaliya, si ay u taageerraan dadaallada nabad ilaalinta, intii u dhaxeysay 1993 illaa 1995.

Qaahira ayaa 1997, martigelisay shirweyne dib u heshiisiineed oo ay isugu yimaadeen inta badan hoggaamiye kooxeedyadii xiligaasi,  waxa ay sidoo kale aad u daneynaysay inay ka qeybgasho  shirarka caalamiga ah iyo shirarkii la xiriiray dawlad dhiska Soomaaliya, sida shirkii Khartoum ee 2006 iyo kii Jabuuti ee 2008. Dadaalku wuxuu la xiriiray sidii ay Masar mar kasta saameyn ugu yeelan lahayd Soomaaliya, sabab la xiriirta danaheeda istiraatijiga ah.

Masar, waxay caqabado burburiyay saameynteeda Soomaaliya , kala kulmaysay dhinacyadii kale ee sameynta ku lahaa Soomaaliya oo ay ugu sarreysay Itoobiya , oo waqti kasta ka soo horjeeday inay Masar, joogitaan iyo saameyn ku yeelato Soomaaliya.

Qaahira, iyadoo u mahadcelinaysa is afgaradkii Addis Ababa lagu saxiixay ee Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, waxay heshay fursad ay dib ugu soo celin karto hamigii sarreeyay ee la xiriira doonisteeda inay saameyn ku yeelato arrimaha Soomaaliya , waqtiga wuxuu yimid xilli ugu muhiimsan waqti kasta oo hore , maaddama Soomaaliya ay albaabada u furtay Masar , waqti Qaahira ay ka luntahay gobolka , sabab la xiriirta burburkii Liibiya iyo Suudaan. Booqashooyinkii dhacay oo hoggaamiyaha Soomaaliya isaga daba-laabtay Qaahira, waxay labada dal, ku dhawaaqeen — Khamiis, 23 bisha Jannaayo, 2025 inay gaareen heshiis iskaashi istiraatiji ah . Heshiiska wuxuu ku soo aaday Masar oo taageerra ka helaysa Eritrea iyo  Jabuuti oo ku qanciyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu la galo Qaahira heshiisyo difaac iyo iskaashi, si loo cadaadiyo ama ugu dambeyntii meesha laga saaro Itoobiya.

Heshiiska iskaashi, iyo is afgaradyadii difaac ee ka horreyay ayaa Masar oggolaanaya inay qeyb ka noqoto howlgalka nabad ilaalin Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo isla waqtigaa ciidamo dheerad ah usoo diri karta Soomaaliya, si ay u taageerraan ciidanka militariga Soomaaliya, mar horaba dabayaaqadii sannadkii hore, Masar ayaa qalab militari soo gaarsiisay Muqdisho. Tani waxay noqon doontaa taageeradii ugu ballaarneyd ee ay Masar siiso Soomaaliya illaa iyo hadda, waana tii ugu sarreysay ee ay dibadda u dirto Masar tan iyo dagaalkii Khaliijka 1991-dii.

Waxay u muuqataa Masar, sidoo kale inuu jiro damaacigeeda inay Soomaaliya ka hirgeliso saldhig militari , si ay uga hortagto inay lumiso fursadeeda joogitaanka Soomaaliya — joogitaanka wuxuu u oggolaanayaa inay Qaahira u adeegsato Soomaaliya goob istiraatiji ah oo ay ku ilaaliso danaheeda dhaqaale iyo amni. Waxaa jira kulan la qorsheeyay inuu ka dhaco Eritrea, oo hoggaamiyayaasha saddexda dal; Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ay ku soo bandhigayaan is afgarad saddex geesood ah oo la gaarsiin karo heshiis istiraatijiyadeed.

Caqabada;

Dalalka ku hareeraysan Soomaaliya, gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya, kuma faraxsana saameynta Masar ee Soomaaliya, wuxuuna dadaalkoodu yahay sidii loo dhimi lahaa saameynta Masar. Labada dal ee joogitaan ciidan iyo saameyn iyaasadeedba ku leh Soomaaliya , waxay gacanta ku hayaan dawlad-gobolleedyada ka soo horjeeda dawladda Federaalka , halkaa oo ah isha caqabada iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo Masar. Ankara ayaa dhankeeda laga arkaya inaysan dooneyn dal kale oo kula tartamaya dhaqaalaha iyo saameynta militari ee Soomaaliya. Heshiiska iyo saameynta Masar , ayaa sidoo kale isku rogi karta caqabad horleh oo wax u dhimi karta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka , oo ka imaan karta dhinacyada kala ee faragelinta ku leh dalka, kuwooda ka soo horjeeda Masar, iyagoo ka faa’iideysanaya khilaafaadka gudaha , tan oo bixinaysa sida ay lagama maarman u tahay xal u helida khilaafka gudaha!

Sidee Soomaaliya uga faa’iideysan karta iskaashiga Masar?

Soomaaliya , waxay muddo dheer ku jirta soo kabasho gaabis ah, dalkuna wuxuu ku guul-darreystay inuu dhiso ciidan qaran oo awoodda inay  ilaaliyaan xadduudaha dal iyo amniga gudaha — xaaladan ayaanna udub-dhexaad u ah , sabab uu dalku isugu rogayo mid ay ku tartamaan dalal , kuwaa oo qaarkood dano iska soo horjeeda ka leh Soomaaliya . Si loo dhimo saameyna iyo faragelinta shisheeye; iskaashiga istiraarijiga ee Masar , waxay Soomaaliya uga faa’iideysan karta hab lagu dardargelin karo dib u dhiska ciidanka iyo qalabeyntooda. Soomaaliya si ay usoo muuqato inay tahay ‘dal’, waa inay awood u yeelataa sugidda amniga xadduudaheeda iyo qalabeynta ciidanka, taa oo haddii aan laga mira-dhalin , ugu dambeyntii dalka rogi karta , meel u ekaata macdar shisheeyaha dareyskooda ciidan uu ku ‘dul’ soconay goob kasta oo dhulka dalka ka mid ah…!

Dawladda Federaalka , waxay dalal shisheeye , kuwa hadda iska soo horjeeda ee Itoobiya iyo Masarba la gashay tan iyo 2022 , heshiisyo difaac , kuwaaso dawaqiyay muwaadiniinta , maaddama aanan marna lagu guuleysan in la sharraxo sida ay waxtar ugu noqon karaan heshiisyada dalka, balse waxaa heshiisyada dalalka kale ka duwaya kan Masar , ayaa ah inay Qaahira ka leedahay Soomaaliya , dano istiraatiji ah oo ku riixaya si ka duwan dalalka kale inay sare u qaado hirgelinta heshiisyada.

Xaqiiqda;

Heshiis kasta oo shisheeye dalka uu la galo iyo iskudey kasta oo awood dhiska dal oo aan lagu barbar wadin amaba laga horumarin; midnimada gudaha iyo inay dawladda Federaalka si wadajir ah u hesho taageerrada dhammaan muwaadiniinta iyo dawlad-gobolleedyada , waxay noqonayaan kuwa aan natiijo lahayn oo sii durkiya xalka dib u dhiska Soomaaliya, sababtoo ah haddii dawladda ay ku guul-darraysato midnimada gudaha iyo inay hesho taageerrada ajandaha dib u dhiska oo dhinacyada Soomaaliya oo dhan , wax kasta oo kale oo dawladda ay iskudayayso inay horey u dhaqaajiso waxay noqonayaan kuwa aan natiijo lahayn ,wuxuuna khilaafaadka gudaha dhiirrigelinayaa faragelinta shisheeye iyo kala taga Soomaaliya dhexdeeda, nuxurkuna waa inay dawladda Federaalka wax kasta oo kale ka horumarisa midnimada gudaha iyo xal u helida kala aragti duwanaanta siyaasadda ee dalka ka jirta oo dib u dhigi karta tallaabo kasta oo horey loo qaadi karay, si looga gudbo burburka fashilka ku ah Soomaaliya iyo dadkeeda..!

WAXAA QORAY
IMAN JAMAC

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo kala hadlay Uhuru Kenyatta Diyaaradii lagu soo riday Bardaale

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo digniin culus siisay warbaahinta ka dib amarkii ka soo baxay Dowlada

Caydiid Ali

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Wasiiradii tirada badnaa uu soo magacaabay Cali Guudlaawe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---