Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo ka hadashay Kalluun ku soo caariyey xeebta Boosaaso

Puntland oo war saxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay inay samaynayso baaritaan deg deg ah oo ku saabsan xaaladda keentay in kalluun nooca loo yaqaan Homboro (Dolphins) uu ka soo caariyo xeebta magaalada Boosaaso.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayaa lagu sheegay in labada wasaaradood ee Degaanka iyo Kalluumeysiga oo iskaashanaya samayn doonaan baaritaan degdeg ah oo ku saabsan sababta keeni karta dhacdadan aan caadiga ahayn.

ku dhowaad 100 kaluunka Dolphin loo yaqaano ayaa ku soo caariyey degaanka Mareero oo ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso kuwaasoo iskugu jira kuwo nool iyo qaar dhintay, lamana garanayo sababta arrintaas keentay

Khubarada ayaa sheegaya in labo arimood midkood laga yaabo iney sababtay arrintan kuwaasoo kala ah in waxyaabo badda lagu daadiyey ay ku sumoobeen ama tan labaad oo ah iney jirto saameyn la xiriirta dhinaca cimilada.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA PUNTLAND

Warsaxaafadeed Degdeg ah:

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland waxa ay ka xun tahay iney idinla wadaagto xaalad degdeg ah oo la xiriirta kalluunka noociisa loo yaqaan Homboro (Dolphins) oo ka soo baxay xeebta magaalada Boosaaso, gaar ahaan inta u dhexeysa agagaarka dekedda Boosaaso ilaa xeebta Mareero.

Madaama goor galabnimo ah dhacdadan ay dhacday, tirada rasmiga ah lama sheegi karo, balse dadka degaanka ayaa ku qiyaasay in tirada kalluunka ay ku dhowdahay ilaa boqol.

Wasaaradda Deegaanka oo kaashanaysa Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland waxay ku guda jiraan baaritaan degdeg ah oo ku saabsan sababta keeni karta dhacdadan aan caadiga ahayn. Warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladdan ayaa la soo saari doonaa marka baaritaanka uu dhammaado.

Sababaha Kalluunka Homboro (Dolphins) u soo bixi karaan xeebaha waxaa ka mid ah:

  1. Isbedbeddelka biyaha badda oo sababi kara cunto yarida ama kalluunka ay cunaan oo u soo guura xeebaha.
  2. Dhibaatooyin caafimaad ama cudurro ku dhaca kalluunka oo ka dhigaya kuwo soo raadiya degaan biyo yar.
  3. Waxyeelo ka dhalata wasakheynta biyaha ama buuqa badda oo saameeya dhaqankooda caadiga ah.
  4. Waxyeelo ka timaadda kalluumeysiga sida shabaagaha kalluumeysiga.

Wasaaraduhu waxay ka shaqeyn doonaan xalinta iyo fahamka dhacdadan oo ah mid cusub.

Related posts

Maxaa ka soo kordhay khasaaraha musiibada ku dhufatay Liibiya? (Sawirro)

Caydiid Ali

Abuu Cubeyda oo ka soo muuqday shir xasaasi ah oo u soo xirmay Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Ninkii Sababta u noqday in Cunaqabateyn la saaro Turkiga oo xabsi laga sii daayay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---