Dad rakaab ah oo gaaraya 150 iskugu jira dumar, caruur, Waayeel, iyo danyar ayaa ku Kala xayiran maanta Garoomada Diyaaradaha ee Nairobi iyo Muqdisho kadib markii loo diiday in ay u kala safraan labada Magaalo.
Rakaabkaasi oo soo raaci lahaa diyaaradaha Salaam air iyo Maandeeq Air ayaa Dowladda Soomaaliya u diiday inay safraan kadib markii ay bixin waayeen lacag 9-dollar oo mlaga rabo qof kasta oo dhoofaya
Shacabka ayaa horey looga qaadi jiray lacag 4-dollar ah balse waxaa ay hada ka biyo diideen 5 dollar oo dheeraad ah oo ay Dowlada Somalia ku kordhisay.
Maanta 2-dii duhurnimo ayey aheyd inay shacabkaasi ka soo kala safraan Kenya iyo Soomaaliya Balse 11-galabnimo ayey ku gaareen garoomada kadib xayiraadii dheerayd ee ay Dowladoodu kusoo rogtay.
DF iyo qaar ka mid ah shirkadaha dayuuradaha ayaa isku mari waayey bixinta lacagtaas taasoo keentay hakadka ku yimid duulimaadyada qaarkood, waxaana saameynta ka dhalatay arrintaas ay taabatay dadkii musaafurka ahaa.