Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada oo muddo cusboonaysiin ah u sameeyya guddiga maamulka ee…

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa u cusboonaysiiyey muddada xil-hayntooda Guddiga maamulka hey’adda Naafada Qaranka, si ay usii wadaan howlaha ay u idmanyihiin 4 sano ee soo socota.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda dhijitaalka ah ee loo dhanyahay iyo istaraatiijiyadda nidaamka dowladda ee danabaysan.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya shirkooda, ayaa sidoo kale golaha lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga dalka, kormeerka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ee wasaaraddaha iyo hey’adaha dalka iyo dhaqaalaha dalka.

Golaha Wasiiradda , ayaa maalin kasta oo Khamiis ah yeesha kulankooda caadiga ah, waxa ayna inta badan kulamada ay yeeshaan Wasiiradda diirada ku saaran xaaladaha xilligaasi taagan, waxa ay sidoo kale meel mariyaan xeerar ay wasaaradaha qaar soo gudbiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir looga hadlayay bixitaanka ciidamada AMISOM oo Kampala ka dhacay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Seerbiya (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay ka hadlay dhiibistii C/kariin Qalbi dhagax

Caydiid Ali
Taboola Ads ---