Allbanaadir.com
NEWS

Dab mar kale ka kacay magaalada Los Ageles iyo barakac bilowday

Dab xooggan ayaa mar kale ka kacay qeybo kamid ah magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, waxaana bilowday inĀ  halkaasi laga daadgureeyo dad badan , si looga badbaadiyo in waxyeelo gaarsiiyo dabka dib u kacay.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahisay in dabkan cusub uu ka bilowday meel u dhow halka lagu magacaabo Castaic Lake, ee waqooyi-galbeed Los Angeles, wuxuuna si degdeg ah ugu fiday aag horleh, saacado gudahood.

Dabka kacay , ayaa lagu soo waramayaa in ay sii huriyeen dabeylo xooggan oo aagaasi ka jira, waxaana wararku sheegayaan in dabka uusan wali wax khasaaro ah gaarsiin guryo iyo goobo ganacsi, balse laga cabsi qabo in uu gaaro.

Dad ka badan 31-kun oo qof ayaa laga daadgureeyay aagga uu dabku ka kacay , waxaa sidoo kale la amray dad ka badan 23-kun oo qof oo kale in taxadar dheeri ah muujiyaan kana fogaadaan aagga dabka ka kacay , haddii uu dabku kusoo dhawaado.

Saraakiisha dabdamiska ayaa sheegay in ay wadaan dedaalo ay uga hortagayaan in dabkan kusii faafo magaalada uuna geesto khasaaro lamid ah kii maalmo kahor halkaasi ka kacay, waxaana wali la xasuustaa khasaarihii dhimasho iyo bur burkii uu sababay dabkii horey halkaasi uga kacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo qorsheenaya Muddo kororsi iyo Warqad sir ah oo la helay

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo kulankii ugu horeyey la qaatay Ergayga cusub ee QM (Sawirro)

Caydiid Ali

Odayaal kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo dhax dhaxaadin u gaaray Hargeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---