Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo eedeyn Xasaasi ah u jeedisay Dowladda Soomaaliya

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ka falcelinayay su’aasha ku saabsan sababta dowladda Xasan Sheekh u taageeri la’ dahay dagaalka Puntland kula jirto Argagixisada Daacish ayaa Villa Somalia ku eedeeyay in ay caqabad ku tahay dagaalkaasi.

Madaxweyne Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay in Villa Somalia aysan wax taageero ah Puntland ku siin dagaalka Daacish, islamarkaana laga la’ yahay Kaalmadii La-dagaallanka Argagixisada ee Caalamku ku bixiyay magaca Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in ay-ba hor istaag ku samaysay qaadista dhaawacyadii dagaalka.

“Dowladda Federaalka annagu ka codsan mayno taageero, wayna ku fashilantay in ay gacan siiso dagaalka ay Puntland kula jirto Daacish. Dhaawacii u dambeeyay ee la qaadi lahaa ayay hor istaagtay ogolaanshihiisa” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor oo ka falcelinayay su’aasha ku saabsan sababta dowladda Xasan Sheekh u taageeri la’ dahay dagaalka Puntland kula jirto Daacish.

Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Lugatoor ayaa sidoo kale sheegay in aysan Puntland u baahnayn una baahan doonin ciidamo ka baxsan kuwa Puntland oo ka yimaada Federaalka ama meel kale, waxaana uu tilmaamay im ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland si buuxda ugu filan yihiin Ciribtirka Argagixisada oo ay hadda ka saareen 65% dhulkii ay ku jireen.

 

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo baaq kasoo saartay xaalada adag ee ka taagan magaalada Laascaanood

Cabdi Cade

Ujeedka Farmaajo ka lahaa Wareegtada caawa ka soo baxday oo la ogaaday

Caydiid Ali

Imisa Mashruuc ayaa xariga laga jaray munaasabada 60-guuradda maalmaha Xorriyada?

admin
Taboola Ads ---