Allbanaadir.com
NEWS

Qatar oo tababartay dhallinyaro kamid noqonaya Ciidanka xoogga dalka (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya  Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaarey magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Waiirka iyo wafdiga la socday ayaa Qatar u tagay ka qeyb galka munaasabadda ay ku qalin jebiyeen 17 arday oo soo dhameystay tababar ciidan oo kala duwan, kuna soo biiraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo dowladda Qatar uga mahad-celiyay tababarka dhallinyaradaan Soomaaliyeed ayaa ugu hambalyeeyay ardaydan Soomaaliyeed guusha ay gaareen iyo dadaalka ay muujiyeen muddadii ay tababarka ku jireen.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in dhallinyaradaan ay ku soo biiri doonaan saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo qeyb lixaad leh ka qaadan doona dadaallada dib u xoreynta iyo difaaca dalka.

Related posts

Xagee ku Dambeysay Amiiradii u dhalatay Imaaraadka ee baxsatay ?(Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Biden oo ka hor yimid arrin Israel ka damacsan tahay Iran

Caydiid Ali

Dil goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---