Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Xukuumadda Soomaaliya , ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digtay inaysan la shaqeyn karin, waxna u fududeyn karin kooxaha argagaxisada ah.
Qoraalka kasoo baxay dowladda , ayaa lagu sheegay in ganacsatadii lagu helo la macaamilka kooxaha argagaxisada ah lagala laaban doono shaktiga , sidoo kale laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah.