Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/01/2025 uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XERM/249-044 /012025 uu ku soo saarey Kordhinta Mushaharka Ciidamada kala duwan ee Somaliland.
Waxaana uu xeerku u dhignaa Sidan:-
𝗫𝗲𝗲𝗿 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗟𝗿 𝟬𝟮/𝟬𝟭𝟮𝟬𝟮𝟱.
𝗞𝗼𝗿𝗱𝗵𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗠𝘂𝘀𝗵𝗮𝗵𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗱𝘂𝘄𝗮𝗻 𝗲𝗲 𝗝𝗮𝗺𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱.
𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Qoddobka 90aad faqraddiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲:Qodobka 123aad iyo Qodobka 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Muhiimadda ay Ciidammada kala duwan ee Qaranku u leeyahay, Madax-bannaanida Qaranka, Difaaca, Ilaalinta iyo sugidda nabadgelyada gudaha, Badbaadinta iyo illaalinta nafta iyo hantida bulshada, Dhawridda Xorriyaadka aasaasiga ah iyo Fulinta ku dhaqanka Dastuurka iyo Shuruucda Jamhuuriyadda Somaliland;
𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐧𝐜𝐚𝐲: Muhiimadda ay leedahay in Ciidammada Qaranku ay helaan mushahar joogto ah oo ku filnaan kara;
𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐧𝐬𝐚𝐝𝐚𝐲: In aan fuliyo Ballan-qaadkaygii ahaa kordhinta Mushaharka joogtada ah ee Ciidammada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;
𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐒𝐨𝐨-𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲
1. In aan kordhiyo Mushaharka joogtada ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, laga bilaabo sannadkan 2025-ka.
2. In sannad miisaaniyadeed kasta Ciidammada kala duwan ee Qaranka loo kordhiyo Mushaharka joogtada ah xaddi dhan (50%) muddo xileedka koowaad ee Xukuumadda, iyada oo laga duulayo Mushaharka joogtada ahaa sannad miisaaniyadeedkii 2024-ka.
3. In lagu sameeyo diiwaangelinta bu’da (IRIS Biometric Registration) dhammaan Ciidammada kala duwan ee Qaranka muddo soddon (30) maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa 01-02-2025.
4. In mushahar kordhinta Ciidammada kala duwan ee Qaranku ka bilaabanto marka la soo dhammeeyo diiwaangelinta iyo tiro koobka Ciidammada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;
𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡
________________________________________
𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨)
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com