Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo heshay Diyaarad ciidamada ka caawineysa Dagaalka Daacish (Sawirro)

Ciidamada difaaca maamulka Puntland, ayaa buuraha gobolka Bari ka wada howlgal ay ku doonayaan in ay kusoo afjaraan kooxaha argagaxisada hubeysan ee ku jira buurahaasi, gaar ahaan dagaalyahannada kooxda Daacish ee isugu jira Soomaalida iyo ajaaniibta.

Maamulka Puntland , ayaa hadda helay diyaarad nuuca qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helocopter, taa oo loogu tala galay in ciidamada difaaca Puntland ee ku jira dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ka caawiso dhinacyo kala duwan.

Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, ayaa galabta soo dhoweeyay lana  wareegay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah, oo ciidamada ka taageereysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Maamulka Puntland guddiga ay u xilsaareen taakuleynta ciidamada howlgalka ku jira, ayaa sheegay in diyaaradan wax badan u tari doonto ciidamada , waxa ayna diyaaradan ciidamada u qaadi doontaa dhaawacyada, waxa ay sidoo kale ka caawin doontaa dhginaca saadka iyo taakulada.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay Diyaaradan fududeynayso wax walbo, oo ay u baahdaan ciidamada  ku jira hawlgalka ciribtirka argagixisada ah, waxa ayna Puntland shaacisay in ka go’an tahay sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha argagaxisada ah ee ku sugan deegaannadeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaqaalaha rayidka ah ee Dowlada Somalia oo la fasaxay iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Faahfaahin: Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Jowhar & askari ka tirsan AMISOM oo..

Caydiid Ali

Xamse & Dr. Fu’aad Xuseen oo 5 arrin ka wada hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---