Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad, iyaga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac.
Kulankan ayaa looga hadlay qodobo ay kamid sidii loo dardargalin lahaa taageerada mashaariicda lagu horumarinayo Caasimadda, Shaqa abuurka dhallinyarada, hirgalinta xarumaha farsamada gacanta iyo dib u cusbooneysiinta heshiis-yadii horey loo galay ee la xariiray iskaashiga iyo wax is dhaafsiga ee Muqdisho iyo Magaalooyinka Sacuudi Carabiya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya door keeda muuqda ee ku aadan garab istaaga Dowladda Soomaaliya iyo taageerada mashaariicda horumariineed ee Muqdisho.
Boqortooyada Sacuudiga, ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya , waxa ayna Sacuudiga mashaariic kala duwan ka fuliyeen magaalada Muqdisho, waxa ayna hadda qorsheenayaan fullinta mashaariic hor leh.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com