Kenya ayaa ku dhawaaqday inay ka dhaaftay shuruudaha Oggolaanshaha Safarka Elektarooniga ah ee (ETA) iyo dal-ku-galka dhammaan muwaadiniinta Afrikaanka ah, marka laga reebo dadka wata Baasaboorka Soomaalida iyo kan Liibiya.
Dowladda ayaa sheegtay in go’aankeeda uu ku saleysan yahay arrimo la xiriira amniga maadaama labadaas dal ay ka jiraan dowlado daciif ah ayna ku xoogan yihiin kooxo lagu sheegay xagjir
Sida lagu sheegay War kasoo baxay dowladda Kenya Tallaabadan ayaa looga golleeyahay in lagu xoojiyo isdhexgalka gobolka iyo kor u qaadista koboca dalxiiska ee qaaradda oo dhan.
“Afrikaanka booqanaya Kenya waxay hadda ku raaxaysan doonaan inay joogaan laba bilood ah, halka muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah ururka bulshada Bariga Afrika (EAC) ay sii joogi karaan lix bilood ah marka laga reebo Somalia,” ayey tiri dowladda Kenya.
Soomaaliya oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika (EAC), ayaa muwaadiniinteeda si xowli ah ugu safra dalalka gobolka, gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya, waxayna ku leeyihiin ganacsiyo aad u xoogan oo canshuur badan bixiya.
Soomaali badan ayaa ka carootay talaabada ay qaaday Kenya kuwasoo fikradahooda ku soo bandhigay baraha bulshada, waxayna DF ka codsadeen iney qaado talaabo aargoosi ah ayna joojiso Qaadka ka yimaada Kenya.