Allbanaadir.com
NEWS

Dagaalo kale oo dhexmaray ciidanka Puntland & Daacish

Dagaallo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku dhex marayay buuraha Caal Miskaad ciidamada Puntland iyo ururka Daacish ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen tiro ku dhow 20 qof oo labada dhinac ah.

Afhayeenka ciidamad Puntland General Maxamud Maxamed ayaa sheegay inay Daacish kaga dileen ilaa iyo 7 qof, iyagana ay ciidamo kaga dhinteen kuwaasoo lix ka mid ah ay miino la qaraxday.

Maxamuud Maxamed Axmed oo loo yaqaan Faadhigo, afhayeenka ciidamka howlgalka ka wada buuraha, ayaa sheegay in ciidamadu weerareen fariisimo ay Daacish lahaayeen.

“Muhiimadeenu waxa weeye maxaa dhul laga qabsaday, maxaase khasaare la gaarsiiyey, annaga lix nin ayaa miino la kacday intaas ayaa khasaare naga soo gaartay laakiin iyaga dhowr iyo tobban qof meeshii ayaa lagaga dilay, halkii ay fadhiyeenna ciidanka ayaa ka qabsaday” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in kooxdaasi ay miino adeegsanayaan ayna hadda inta ugu badan ay miinooyinkaas adeegsadaan.

Faadhigo, wuxu xusay in dagaalkii shalay ay kooxda Daacish ka qabsadeen fariisin ay ku lahayeen deegaanka Xaglay oo ku yaalla buuraha dagaaladu ka socdaan.

“Marka laga bilaabo Il iyo Camayra ilaa 250km ayaa laga qabtay, saldhigyo ilaa afartan ah ayaa laga qabtay, marka dagaalku waa socda, aaga shalay dagaalku ka dhacay waa aag uu hadda ka bilowday laakiin aagagii hore guulo badan ayaa laga gaaray khasaare badana waa la gaarsiiyey” ayuu BBC-da u sheegay Jeneraal Faadhigo.

Afhayeenka howlgalka la dagaalanka Daacish ee ciidamada Puntland Jeneral Maxamuud Maxamed Axmed ayaa sheegay in kooxda Daacish ay la dagaalamayaan ay u badan ajaaniib.

“Cadow caama oo caalamiya ayaa nagu soo duulay, kuwaasoo adduunka oo dhan dhibatooyin badan ka gaystay, ujeedadayaduna waa inaan dalka ka xorayno” ayuu intaa ku daray Jeneraalka.

Puntland ayaa dhowr toddobaad ka hor ku dhawaaqday dagaal ay ku qaaday Buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin kooxda Daacish.

Related posts

Ciidamada Dowladda oo kaabiga ku haya Deegaan Muhiim ah oo Al Shabaab joogaan

Cabdi Cade

(Video) Wasiir Cali Dhuux oo Munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay London

admin

Burcad dhibaato badan ku haya shacabka kunool xaafado katirsan Degmada Dayniile

Cabdi Cade
Taboola Ads ---