Allbanaadir.com
NEWS

Puntland & Galmudug oo soo saaray War-Saxaafadeed Wadajir ah

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo Shir wadajir ah ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa soo saaray go’aanno ku saabsan xakamaynta colaad beeleedda ka aloosan galbeedka gobolkaas.

War saxaafadeed Wadajir ah, oo ay soo saareen mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ayay ku go’aamiyeen qodoba ku saabsan xakamaynta colaadda labada beeleed ee ka taagan degaannada galbeedka gobolka Mudug, si looga hortago isku dhacyo danbe oo labada dhinac dhexmara

Sida ku xusan War saxaafadeedka oo ka kooban 7 qodob waxaa la go’aamiyay in maleeshiyaadka labada Beelood ee dagaallamay la kala fogeeyo, isla markaana la kala geeyo goobihii hore loogu asteeyey oo kala ah (Bandiiradley iyo Galdogob), sidoo kalena dib loo hawlgeliyo ciidamadii nabadgelyada ee labada maamul.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO DHAMEYSTIRAN

Related posts

Ciidamo taabacsan Dabageed oo caawa la Wareegay kontrolo ku yaala Beled-weyne

Caydiid Ali

Dalab xasaasi ah oo la hor dhigay Musharaxiinta & DF oo hirgelineysa..

Caydiid Ali

Ha’yadda WHO oo digniin culus ka bixisay halis ku soo wajahan qaarada Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---