Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Finland oo balan-qaadyo culus u sameysay Somalia

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi Ay Hogaaminayso  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowlada Finland, Ms. Mari Rantanen, oo booqasho rasmi ah ku timid Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Finland, gaar ahaan dhinacyada amniga. Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay qorsheyaal lagu horumarinayo nabadgelyada, maareynta socdaalka, iyo sidii loo ballaarin lahaa taageerada farsamo ee dowladda Finland siiso Soomaaliya.

Intii uu kulanka socday, Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa uga mahadceliyey Finland taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo horumarinta hay’adaha amniga, isagoo si gaar ah u tilmaamay baahida loo qabo wadashaqeyn dheeraad ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo la dagaallanka argagixisada.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Finland, Ms. Mari Rantanen, ayaa caddeysay sida ay dowladdeeda uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, iyadoo ballanqaaday in Finland ay sii xoojin doonto xiriirka dhinacyada amniga iyo maareynta socdaalka. Waxay si gaar ah u adkeysay in dowladdeedu ay diiradda saari doonto horumarinta awoodda hay’adaha amniga ee Soomaaliya.

Related posts

Sirdoonka Turkiga oo kashifay xog cusub oo la xiriirta dilkii Haniya

Caydiid Ali

Nin Al-Shabaab ka tirsanaa 13 sano oo isku dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

Caydiid Ali

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay la taliye cusub (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---