Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo la Gudoonsiiyey Abaalmarin caalami ah (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika oo ay bixiso Africa House, munaasabad lagu qabtay magaalada Davos ee Switzerland.

Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta iyo hirgelinta qorshaha dayn cafinta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey munaasabadda uu ku guddoomay abaalmarinta ayaa uga mahadnaqay Africa House tixgelinta iyo qiimeynta ay ku sameeyeen horumarka ay ku tallaabsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Abaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee dib u dhiska ciidamada, qaadista cunaqabateynta hubka ee muddada saarnayd dalka iyo ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Related posts

Daad gureynta ajaaniibta oo sii xoogeysatay ka dib xabad joojinta Khartuum (Sawirro)

Caydiid Ali

Kuuriyada Waqooyi oo goor dhow baahisay War naxdin ku noqday Koonfurta

Caydiid Ali

Baarlamaanka Kenya oo go’aan ka gaaray in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Haiti

Cabdi Cade
Taboola Ads ---