Ku dhawaad 1,660 oo qaxooti u dhashay Afgaanistaan ah ayaa shalay la joojiyay duulimaadkii u qaadi lahaa Mareykanka oo ay dib u dejin ka heleen, kaddib markii Trump uu soo saaray amar hakinaya qaxootiga Mareykanka uga imaanaya dibadda
Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters , Qaxootigan ayaa badnaa qoysaska xiriirka la lahaa ciidankii Mareykanka muddadii ay ku sugnaayeen Afganistan.
Dhinaca kale Ururka Taalibaan ee hoggaamiya dalka Afgaanistan ayaa maanta ku dhawaaqay in ay xabsiga ka sii daayeen laba muwaadin oo Maraykan ah oo la xiray sannadkii 2021
Waxay ku beddesheen dagaalyahan Afgaanistaan ah, Khan Mohammed oo tan iyo sannadkii 2008-dii xabsi ku yaalla California ku qaadanayay xukun xabsi daa’im ah oo ay ku riday maxkamad federaal ah oo ku taalla Mareykanka
Wuxuu hadda ku laabtay Afgaanistaan, kaddib heshiis ay dhex dhexaadisay Qatar oo u dhaxeeyay Taalibaan iyo Mareykanka.