Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Xamse kala hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Finland?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso Wasiirka Arrimaha Gudaha Finland, Ms Mari Rantanen, oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Finland, gaar ahaan iskaashiga dhinaca amniga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay horumar dhanka amniga ah gaar ahaan dagaalka ay kula jirto al shabaab oo ay ka gaartay guullo waaweyn

Xamse ayaa dhinaca kale xusay in dowladda Soomaaliya bishan billowday inay door muhiim ah ka cayaarto amniga dunida kadib markii ay xubin ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Related posts

Xog: Ahlu-sunna oo wada abaabulka weerar ku wajahan Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Cumar C/rashiid, Gaas iyo Faroole oo ka hor yimid go’aankii Isimada Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali

Musharixiinta oo Magacaabay taliyeyaal ciidan oo amnigooda u xilsaaran (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---