Allbanaadir.com
NEWS

Yaa ku guuleystay dagaalkii 15-ka bilood ka socday Gaza?

Waxaan rabaa inan warbixintan kugu siiyo macluumaad iyo fallanqeyn la xiriirta heshiiska xabbad-joojinta ee marinka Qasa, oo ku bilowday sii deynta 3 haween Israa’iiliyiin ah iyo 90 Falastiiniyiin ah oo laga sii daayay xabsiyada Israa’iil.

Inta aan ku jira fallanqeynta iyo macluumaadka, waxaan ku siinaya dareen caqligalka ah ee ku oggalaanaya inad ka fakarto wax kasta oo heshiiska ku saabsan, si aad u go’aamiso natiijada.

Hagaag, waa inan jawaab u helna ugu horreyn ; heshiiska Qasa ma guul baa loo arka mise guul-darro, haddiise ay jirto guul-darro dhinacee qaatay guul-darrada?

Isku soo wada duuboo, marka la eego caqli-galnimada dagaallada millatari, waxa ka soo baxa dagaalka ee ah guul-darro iyo guul , waxaa loo arka cidda guul-darrada qaadatay dhinaca aan gaarin hadafkii dagaalka ay ka lahayd!

Aan ku horreeyo, Israa’iil ;maxay ahaayeen ujeeddooyinka ay dagaalkan ka lahayd?

Kaliya ujeeddadu waa saddex qodob, taa ayaanna ah waxa ka dambeeyay ee ay raadinaysan inay aragto Israa’iil, markii ay gudaha u gashay marinka Qasa, bishii Oktoobar ee sannadkii 2023;

  • Burburinta awoodda Xamaas.
  • Barakicinta shacabka Qasa, si ay u suragasho marinka Qasa inuu noqdo meel bannaan oo gacanta ay ku dhigto Israa’iil.
  • Midda u muhiimsan oo ah inay Israa’iil awooddo inay soo furato in ka badan 200 oo maxbuus oo Xamaas ay ku soo qabatay weerarkii ay qaaday 7 bishii Oktoobar ee sannadkii 2023.

Hadda waxaad ogtahay natiijada ay dagaalka ka raadinaysay Israa’iil. Miya la gaaray hafadyada ama qaar ka mid ah?

Dhab ahaantii Israa’iil ma aysan gaarin dhammaan saddexda ujeeddo ee dagaalka ay u gashay, jawaabtana waxay noqonaysa si fudud maya, tani waxay la macno tahay Israa’iil waa guul-darraysatay, sababtoo ah guul-darro ayaa ka soo gaartay dagaalka, waxay la kulantay khasaare aad u xun oo xagga awoodda milatariga ah, qalabka, dhaqaalaha, dagaalkana wuxuu meesha ka saaray dacaayadii Israa’iil, iyo kalsoonidii dadka Israa’iil ay ku qabeen maamulkooda inuu yahay mid ku filan ilaalinta nabadgalyadooda.

Haddaba, haddii aad oggaatay inay guul-darro la kullantay Israa’iil, waxaan hadda ku siinaya ujeeddada ay ka lahayd Xamaas, weerarkii ay qaaday 7 Oktoobar,2023 ;

Si la mid ah, dhinaca kale, waxay Xamaas lahayd kaliya saddex ujeeddo oo kala ah;

  • In la jabiyo khuraafaadka iyo isla waynidda Israa’iil ee ah inay tahay awoodda gobolka iyo in ciidanka israa’iil ay yihiin kuwa aan laga adkaan.
  • Illaa maalinta u dambeysa inay Xamaas gacanta ku hayso maxaabiista oo ay ku gaarto gorgortanka ay doonayso.
  • Ka hortagga in la jabiyo adkaysiga dadka Qasa oo laga barakiciyo marinka Qasa.

Hadafyadan, ama qaar ka mid ah, ma la gaaray?

Sida ku cad heshiiska lagu dhawaaqay, ayaa ina siinaya natiijada ay gaartay Xamaas, waxayna gorgortanka iyo heshiiska la gaaray uu noqonaya caddeyn aad gacanta ku qaadan kartid oo ku tusaya inay Xamaas guul dheerad ah gaartay oo ay ku jiraan wax ka badan ujeeddada dagaalka loo galay.

Iska caabinta Qasa, waxay awoodeen inay burburiyaan isla waydinada iyo dacaayadii Israa’iil ee lagu hor iibiyay caalamka, illaa dad badan ay run u qaateen dacaayada ay soo bandhigaysa Israa’iil, taa oo garsiisay inay noqoto Israa’iil mid gobolka bariga dhexe iyo caalamka mar walba u dirta hanjaabad. Iska caabinta waxaa kalo ay awoodeen muddo 15 bilood ah oo dagaalka xasuuqa ah uu socday inay meesha ka saaraan  khuraafaadka ciidan aan la adkaan karin iyo in iska caabinta ay u rogeen Qasa, faggaare ay ku soo bandhigaan daciifnimada Israa’iil iyo taageerrada reer galbeedka, iska caabinta dagaalka wuxuu dhaliyay inay isku rogto awood.

Waxaan ku siinaya xaqiijin kale, shabakadda wararka ee Mareykanka ka soo baxda Mondoweiss, ayaa markii la ansixiyay heshiiska waxay soo bandhigtay faallo ay ku muujinayso waxa uu ka dhiganyahay heshiiska. Warbixinta shabakadda waxaa lagu sheegay ; Xabbad-joojinta Qasa ayaa muujineysa daciifnimada Israa’iil iyo xoogga iska caabinta.Xabbad-joojinta kaddib, qaar badan ayaa isku dayi doona inay hadalka ku soo koobaan ka hadalka;  guul iyo guul-darro – laakiin marka qof kasta uu dib u eego waxa dhacaya, waxaa soo bixi doona sawirka dhabta ah, kaas oo ah daciifnimada  Israa’iil iyo iska caabinta inay isku rogeen awood aan indhaha laga leexin karin.

Warbixinta waxay sii socotay, waxaana lagu sheegay ; Ciidankii Israa’iil ee halyeyga ahaan jiray waxay noqdeen ciidan naxariis daran oo aan waxba tari karin,kaddib markii la jebiyay dunidda horteeda..! Kaliya lama kulmin Israa’iil guul-darro militari, balse waxay indhaha caalamka qabteen inay Israa’iil ka tallaabsatay ; sharciyadii caalamka iyo nidaamkii akhlaaqeed ee militariga, balse iska caabinta Qasa ayaa soo bandhigay ; wax kasta oo ay Israa’iil ku kacday hadana inay tahay midda daciifka ah ee militari iyo sirdoon ahaan loo burburiyay.

Aan ku soo celiyo; Markii hore, marka aan eegno qodobbada heshiiska xabbad-joojinta Qasa, waxaan aragnaa in Israa’iil ay lumisay qaar ka mid ah waxyaabihii ay iskudayaysay inay ku gaarto cadaadis militari.

1- Waxay lumisay saldhigyadii “Netzarim” iyo “Philadelphia” oo labaduba u qorshaysnaa inay noqdaan xarun ciidan oo gumaysigu ku leeyahay marinka Qasa, sida ay awoodeen inay ka sameeyaan Daanta Galbeed, tan labaadna waxay awooddi wayday Israa’iil in marinka Qasa laga go’doomiyo xuduudka Masar.

Luminta Israa’iil ee labadan saldhig waa mid muhiim ah siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba;

2- In Israa’iil ay ka baxdo marinka Qasa, sidaas darteedna ay ku fashilantay qabsashadeeda maadaama Netanyahu iyo Sahyuuniyadda ay qorsheeyeen, isagoo xusay in Israa’iil ay ku doonayso saldhigyadan, markaa oo ay ku andacoodeen inay ka baxayaan goobaha la deggan yahay, sidaas darteedna ay xaq u leedahay inay joogaan marinnada Qasa ku xiraya Masar.

3- In la nadiifiyo xabsiyada Israa’iil ee  lagu hayo haweenka iyo kuwa aan qaan-gaarin ee Falastiiniyiinta  da’doodu ka yar tahay 19 sanno, tani waa guul weyn, maaddaama ay yihiin mustaqbalka iska caabinta ka hor imaanaya Israa’iil, sii deyntoodana waxay u ogolaaneysaa inay soo saaraan dad cusub oo falastiiniyiin ah oo leh caqiido dagaal oo horleh, iyadoo la og yahay in inta badan hoggaamiyaasha wax iska caabinta ee hadda jira inay ahaayeen maxaabiis hore.

4- Isla sidaas oo kale , waxaa Israa’iil lagu qasbay in kumannaan maxaabiis ah oo ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada Falastiiniyiinta in xabsiyada Israa’iil laga sii daayo, waxaana la filayaa in mustaqbalka ay door siyaasadeed iyo mid militeriba ka qeybqaataan.

  1. Heshiiska iyo iska caabinta ay la kulantay Israa’iil oo 15 bilood burburiyay hafadyada dagaalka ay ka lahayd, wuxuu ka dhigay kuwa aan qiimo lahayn u ololeeyaashii ama lobby-gii Israa’iil ee caalamka, sabab la xiriirta way ku guul-darraysteen inay gaaraan hadafkii dagaalka haddii xataa ay heleen taageerrada militari, sirdoon, dhaqaale ee Mareykanka iyo reer galbeedka oo muddo 15 bilood ah ku bixiyay Qasa in ka badan 30 bilyan oo dollar, natiijadana waxay noqotay mid fadeexad usoo jiiday.
  2. Iska caabinta waxay dunidda tuseen xaqiiqda Israa’iil, taa oo ah inay Israa’iil tahay mid daciif ah oo aan socon karin la’aanta taageerrada Mareykanka iyo reer galbeedka, duniddana lagama jecla inad tahay mid daciif ah oo tallaabada uu qaadaya u baahan in la taageerro.

Hadda rumayso hadalkayga… heshiiska ay oggolaatay Israa’iil waa midkii la soo bandhigay bishii May ee sannadkii 2024, mana jirin wax wax ka beddel ah oo heshiiska lagu sameeyay, isla maalintii la soo bandhigay waxaa oggolaatay Xamaas, maaddama heshiiska uu dhigayo dhaqangelinta shuruudaha iska caabinta, isla watigaa waxaa diidday Israa’iil oo sii waday xasuuqa Qasa, iyagoo ku andacoonaya inay cadaadis militari ku dhalinayaan inay ku qasbaan Xamaas inay qaadato heshiis ay qorayso Israa’iil, laakin natiijada waxay noqotay heshiiska ay qoratay Xamaas inay Israa’iil ansixiso, sababtoo ah taageerrayaasha Israa’iil ee Mareykanka iyo reer galbeedka waxay wajaheen xaqiiqda ah inan cadaadis militari lagu jabin karin Xamaas, illaa hadalkan waxaa qiray maalmo ka hor marka la ansixiyay heshiiska, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee xilka ka deggaya ee Antony Blinken.

Inta aannan ka bixin fallanqeynta iyo macluumaadka la xiriira heshiiska xabbad-joojinta Qasa ee aan kugu sheegay guusha Xamaas, waxaan doonaya inan isla fikradaha iyo macluumaadka aan ku siiyay mar kale kugu qanciyo, waana inan halkan kugu sheegayo qirashada guul-darrada ee ka imaanaysa gudaha Israa’iil.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Saar  markii la ansixiyay heshiiska, wuxuu sheegay in Israa’iil aysan gaarin hadafkii dagaalka , si kasta oo ay xasuuq uga geysteen Qasa. Waxa uu intaa ku daray oo uu yiri; “Muddo bilo ah maanu soo celin hal maxbuus oo nool, markaa mas’uuliyada na saaran xukuumad ahaan waa mid culus”.

Giora Eiland , oo ah sarreeye guud oo shaqada ka fadhiistay oo ka tirsan ciidanka militariga Israa’iil, ahaana madaxii hore ee golaha amniga Israa’iil, waxaa kalo uu ka mid ahaa tiro jeneraalo ah oo soo bandhigay wax ay ugu yeereen ‘qorshaha barakicinta Qasa’, ayaa soo baxay marka heshiiska la ansixiyay , isagoo ka sheegay  telefishinka Israa’iil ee Channel 12; wixii ka dhacay Qasa, waa guul-darro weyn oo soo gaadhay Israa’iil  iyo guul u soo hoyatay Xamaas.

Eiland, oo ka qeybqaatay dejinta qorshe lagu barakicinayo dadka ku nool waqooyiga marinka Qasa iyo in marxalad gaajo iyo duqeymo arxan-darro ah lagu soo rogo lixdii bilood ee u dambeysay dagaalka waqooyiga marinka Qasa , ayaa ku sheegay waraysiga uu bixiyay;  “Waxaa dhacay waa  guul darro…dagaalkan waa guuldarro, sababtuna waa wax  aad u fudud, Xamaas, dhankeeda, ma awooddo oo kaliya inay ka hor istaagto Israa’iil  inay gaarto hadafkeeda, laakiin sidoo kale waxay gaadhay hadafkeedii, hadafkeeduna waa inay sii ahaato mid xooggan ee maamusha marinka Qasa.”

Waxa uu intaa ku daray: “Heshiiska waxaa kalo uu siinaya Xamaas, fursad ay dib ugu dhisto mar kale awoodeeda, waana ay dhisi kartaa awooddeeda, haddii ay sidaas samayso oo ay Israa’iil ku dhaqaaqdo tallaabo liddi ku ah, markaas Israa’iil ayaa ah midda jabinaysa heshiiska oo ceeb la kulmi karta.”

Suxufiga ay sida weyn isha ugu hayeen fallanqeyntiisa iyo hadallada ka soo baxaya Israa’iiliyiinta muddada uu dagaalka socday oo ka tirsan wargeyska Maariv – Ben Caspit,  ayaa isna soo baxay si uu uga falceliyo heshiiska xabbad-joojinta , wuxuu yiri ; “Tani gabi ahaanba,waa masiibo, guuldarro taariikhi ah, maahan oo keliya ciidamada, laakiin sidoo kale sirdoonka Israa’iil ayaa la kulmay fashil iyo guul-darro … fashilka intaa kuma joogo sidoo kale dawladda Netanyahu ayaa fashilantay oo dhammaan guul-darraystay, wuu baaxad weyn-yahay fashilka oo wuxuu gaaray in nidaamkii Israa’iil burburiyo qabka iyo kalsoonida dadka Israa’iil, maaddama ay ku guul-darraysteen inay dhisaan dal ammaan ah oo fursad u siinaya Israa’iiliyiinta inay sariirtooda ku seexan karaan si nabad ah.”

Ugu dambeyntii , natiijada heshiiska waxay noqotay fashilka Israa’iil , si loo caddeeyana wuxuu qof walba arkay inay awooddi wayday Israa’iil hirgelinta hadafkeeda ay kaga dhawaaqday dagaalka Qasa  ee ah;  baabiinta Xamaas, soo celinta maxaabiista, iyo inay hubiso in marinka Qasa uu noqdo goob aysan mar kale khatar uga imaan! Weerarkii daadadka Al-Aqsa ayaa noqday mid ‘cidiyaha ka bixiya’ Israa’iil,kaddib markii dagaalka uu lumiyay maqaamkii ay isku soo muujin jirtay,waxaana meel kasta oo Israa’iil ah iyo dunidda taalla inuu burburay sheegashadii awoodda ciidan ee Israa’iil. Dagaalkuna wuxuu noqday mid Israa’iil ku qasbay inay noqoto mid ku tiirsan isbahaysi iyo taageerrada Mareykanka iyo reer galbeedka, tana waxay isbeddel ku keenaysa mustaqbalka Israa’iil, oo isku rogtay mid daciif ah oo aan ku jirin liiska awoodaha. Muuqaalladii maalintii u horreysay heshiiska ee ka yimid Qasa, ayaanna noqday mid ka yaabiyay cadowga iyo taageerrayaasha Xamaas, sabab la xiriirta isla saacada koowaad ee waqtiga heshiiska uu dhaqangalayay waxaa fagaarayaasha lagu arkay ciidanka militari iyo booliiska Xamaas, oo waddooyinka usoo baxay iyagoo u muuqaal eg kuwa aan maalin dagaal gelin, hubka ,dharka ay xiran yihiin illaa gaadiidka ay la socdeen kolonyada militari ee Xamaas, dhammaan waxay u muuqdeen kuwa hadda ka soo baxay warshadda.

Waxaa diyaariyey
Iman jaamac

Related posts

Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya oo goordhaw war soo saartay 

Cabdi Cade

Jubbaland oo xilalkii ka qaaday Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Gedo (Akhriso)

Caydiid Ali

Haweeney 50-jeer Qaliin isaga sameesay Wajiga si ay ugu ekaato Aktarad caan ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---