Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Aljeria oo labo arrin ku bogaadisay Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kula kulmay Magaalada New York, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Jaaliyadaha Qaran ee Dibadda iyo Arrimaha Afrika ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Shacbiga Aljeeriya, Ahmed Attaf

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga ee nacfi wadaagga leh.

Mudane Ahmed Attaf, waxaa uu ugu hambalyeeyay Soomaaliya u billaabashada muddo xileedkeeda labada sano ee xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, isagoo ku bogaadiyay ku biiriddeeda Golaha Ammaanka, waxa uu sidoo kale ku ammaanay sii kordhiddeeda kaalinteeda xooggan ee diblomaasiyadda caalamiga.

Kulanka ayaa la iskula soo qaaday dhowr qodob oo ujeedkoodu yahay ballaarinta iskaashi dhinacyo badan leh oo si wacan uga tarjumaya dano wadaagga labada dal iyo adkaynta muhiimadda ay leedahay iskuduwidda mowqifyada fagaarayaasha caalamiga si kor loogu qaado wax wadaagga heer caalami.

Related posts

Madaxweyne Putin oo gaaray Shiinaha kana hadlay arrimo quseeya Dagaalka Ukraine

Cabdi Cade

Shan Musharax oo maanta isku diiwaan geliyey doorashada gudoonka golaha shacabka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Muuse Biixi oo soo saaray Wareegto uu ku cayimay Qabsoomida Doorashooyinka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---