Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay Shirka Dhaqaalaha Adduunka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo uu kaga qeyb galayo Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka.

Madaxweynaha ayaa Shirka ka jeedindoona khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo horumarka Soomaaliya, kobaca dhaqaalaha dalka iyo qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan horumarka waara, iyada oo sare loo qaadayo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay dalalka muhiimka u ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Muddada Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku suganyahay magaalada Davos, waxa uu guddoomi doonaa abaalmarinta Hoggaaminta Madaxweynimo ee Afrika, (Africa Presidential Leadership Award) taasi oo ku mutay dadaalkiisa hoggaamineed ee u hiilinta nabadda, xasilloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirar doceedyo la yeelan doona hoggaamiyeyaasha caalamka iyo daneeyeyaasha muhiimka ah ee Shirka ka qayb galaya, si loo xoojiyo iskaashiga caalamiga ah, loona dhiirrigeliyo maalgashiga Soomaaliya.

 

Related posts

Wiil Caan ka ah baraha bulshada oo Caawa lagu dhaawacay Muqdisho

Cabdi Cade

Gudoomiyaal Degmo oo Cabsi uga tagay Muqdisho iyo Madaxweyne Farmaajo oo …

Cabdi Cade

Trump oo laga diiday in laga iibiyo Jaziirada Greenland kana carooday go’aankaas

Cabdi Cade
Taboola Ads ---