Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo shaacinaya cidda ka dambeysay dilkii John F. Kennedy

Mareykanka, mid ka mid ah sheekooyinka waqti dheer ay sugayeen waa in la caddeeyo , dilka madaxweynihii 35-aad ee Mareykanka, John F. Kennedy, cidda ka dambeeysay iyo wax walba oo ku hoos duugan dilka oo ay ku jirto sababta dilka, madaxweynaha xilka marka la wareegay ee Donald J. Trump, ayaa si cad ugu celiyay inuu doonayo inuu bannaanka soo dhigo wax kasta oo ku duugan dilka Kennedy! Ballanqaadka waa mid culus, haddii la daahsadana wuxuu Trump la kulmi doonaa dhaleeceyn iyo in goob kasta lagu waydiiyo!

Laakin, waxaan ku sheegayaa inay jirto isku ekaansho, madaxweynaha la dilay ee John F. Kennedy iyo madaxweynaha shalay xilka la wareegay ee Donald J. Trump;

John F. Kennedy, wuxuu ku dhaqaaqay isbeddelo ay adkayd in hoggaamiye kale oo Mareykan ah uu sameeyo,wuxuu si dhaqso ah markii uu xukunka la wareegay isbeddel weyn ku sameeyay nidaamkii Mareykanka, isagoo shaqada ka cayriyay saraakiil badan oo militariga iyo siyaasadda awood ku lahaa, kuwaa oo uu ku sheegay kuwa aan dooneyn horu socodka Mareykanka.

Kennedy, wuxuu soo bandhigay sida uu u doonayo nabadda adduunka, isagoo marka tallaabo khad cas loogu arkayay Mareykanka iskudayay inuu ku dhawaaqo, waa inuu sheegay doonistiisa heshiis ay gaaraan Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeet , si meesha looga saaro dagaalkii qaboobaa iyo xasillooni darrada dunidda waqtigaa ku daboolnayd.

Hadda wax u eg tallaabooyinkaa, waxaa soo bandhigay Trump;

Wuxuu doonaya Trump, in la joojiyo dagaallada oo la doono sidii xasillooni looga dhalin lahaa dunidda, meeshana looga saaro dagaallada iyo khilaafyada cabsida ku ah waqtigan dunidda.

Trump, ayaa si la mid ah Kennedy, wuxuu doonayaa inuu meesha ka saaro jeneraallada Mareykanka,saraakiisha sirdoonka iyo siyaasiyiinta awoodda ku dhex lahaa nidaamka Mareykanka, illaa uu ku fakarayo inuu wax ka beddelo nidaamka guud ee Mareykanka, isagoo dawladdiisa ka fogeeyay xubnihii militariga iyo siyaasiyiinta awoodda lahaa.

Madaxweynaha  xilka la wareegay, waxaa kalo uu doonayaa inuu dib u billaabo xiriirkii diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Ruushka oo ay xigto joojinta dagaalka Ukriane oo ku dhammaan kara inay Ukraine lumiso dhul ballaaran iyo gobollo muhiim ah, taa oo u xaglinaysa Ruushka, waana halka ay caqabada ka imaanayso, sababtoo ah reer galbeedka ma ay doonayaan inuu tan sameeyo Trump.

Waxaa loo arkaa Trump, qof ku dhiirranaya wax kasta oo khad cas looga arkayay gudaha Mareykanka.

Habka uu u wajahay joojinta dagaalka Qasa, ayaa sidoo kale ahayd mid digniin iyo hanjabad ku jirtay, taa oo ugu dambeyn dhalisay heshiis xabbad-joojin ah, inuu fuliyay ballankii ahaa ka hor caleema-saarkiisa joojinta dagaalka Qasa, waxay Trump ku soo jeedisay dareenka dunidda, waxaana loo arkaya qof ku dhaqaaqaya dhammaan ballanqaadyadiisa.

Dabeecada Trump, ayaa muujinaysa sida ay dunidda u galayso waqti laga arki karo isbeddelo, gaar ahaanna haddii Trump uu bannaanka soo dhigo xogta dilalkii la qiriyay ee ka dhacay Mareykanka oo ay ku jiraan beegsigii John F. Kennedy, walaalkiis, Robert Kennedy, iyo Martin Luther King. Ballanqaadyadana waxay imaanaya xilli Trump ugu yaraan saddex mar la isku dayay in la dilo, inta uu ku jiray ololihiisa doorashada ee sannadkii 2024.

W/Q Iman Jamac

Related posts

Ajaaniib muddo dheer ku afduubnaa gudaha Soomaaliya oo la sii daayey

Caydiid Ali

Taliye Joojiyay Banaan bax lagu taageeri lahaa Madaxweyne Farmaajo oo loo yeeray

Cabdi Cade

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Puntland oo beeniyay War laga faafiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---