Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donalnd Trump, ayaa xalay markii la dhaariyay lana wareegay talada dalkasi, ayaa durba saxiixay wareegtooyin badan , kuwaa uu horey u ballanqaaday in uu fulinayo intii uu ololaha doorashada ku jiray.
Donald Trump, ayaa saxiixay go’aan cad uu dalkiisa kaga saarayo Ururka Caafimaadka Adduunka ee loo yaqaan WHO, waxa uuna Trump ururkaasi heerka caalami ah hoosna taga Qaramada Midoobay u jeediyay eedeymo aad u xooggan.
Waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Trump ururka WHO in uu ku guul dareestay arrimo badan ay kamid yihiin in uu si madaxbannaan ururka u dhaqmo , sidoo kale uu ka fogaado saameynta siyaasadeed ee xubnaha ururkaasi katirsan.
Madaxweyne Trump, ayaa sidoo kale ururka WHO ku eedeeyay in Mareyaknak ka dalbanayaan lacag aan caddaalad aheyn oo lamid ah kuwa ay bixiyaan dalalka kale ee caalamka ugu waa weyn sida dowladda Shiinaha oo bixisa lacag ka yar tan Mareykanka.
Trump, ayaana ugu dambeyn ku eedeeyay ururka Caafimaadka Adduunka in ay ku kaceen qiyaanooyin badan oo muhiim tahay in lagula xisaabtamo, mana jiro jawaab ay WHO ka bixiyeen eedeymaha uga yimid Madaxweynaha cusub ee talada Mareykanka la wareegay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com