Allbanaadir.com
NEWS

Fiqi oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey Golaha Amaanka QM

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta khudbad ka jeediyay fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey

Kulankan oo tirsigiisu ahaa 9841 ee ku qabsoomay xarunta New York, kaasoo diiradda lagu saarray xaaladda bani’aadantinimo ee daran ee ka taagan Gaza iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’antahay garab-istaagga iyo taageeridda qadiyadda Falastiin isagoo soo dhoweeyey heshiiska xabad joojinta ah ee laga gaaray dagaalkii socday sanadka iyo 3 bilood

Dhinaca kaled, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kula kulmay New York, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Panama, Carlos Ruiz-Hernández, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta dhinacyada iskaashi ee kala duwan ee labada dal ay iska kaashan karaan.

Related posts

Xamaas oo shaacisay xiliga ay hogaamiye cusub Magacabayso

Caydiid Ali

Xildhibanada cusub ee Puntland oo la shaaciyay & 17 Xildhibaan ee dhulbahante oo ….

admin

TOOS U DAAWO: Dabaaldega xuska 1-da Luulyo oo ka socda garoonka Konis Stadium

Caydiid Ali
Taboola Ads ---