Madaxweynaha Puntland Mudane Said Abdullahi Deni, ayaa ka ambabixiyey garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, askari ka mid ah Ciidanka Puntland oo ku dhaawacmay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ka wado buuraleyda Cali Miskaad ee gobolka Bari
Askarigan daaweyn caafimaad loogu diray dalka dibediisa sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.
“Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyay Ciidanka Dowladda Puntland ee ku jira difaaca iyo Hawlgalada Argagixisada looga sifeynayo Puntland, isaga oo ka tacsiyeeyay intii ku shahiiday hawlgalada socda, inta dhaawacantayna waxaa uu Allah uga baryay inuu u boogga dhayo” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.
Puntland ayaa sameysay Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada hawlgalka ciribtirka argagixisada, kuwaasi oo Madaxweynuhu dhowaan magacaabay si ay uga jawaabaan baahiyaha caafimaad iyo wixi kale ee taakulo ah ee ay u baahdaan Ciidanka