Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo saaka safarkiisii ugu horeeyey ugu ambabaxaya dibeda

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Jabuuti.

Wasiirka Arimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa sheegay saaka in Madaxweyne Biixi uu martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, halkaasina uu ku joogi doono booqasho rasmi ah oo qaadaneysa laba maalmood.

Sacad Cali Shire ayaa intaas ku daray in sidoo kale labada dhinac ay ka wada hadlayaan  xoojinta xiriirkooda ganacsiga, socdaalka, nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqanka.

JJabuuti waxa ay wafdigii ugu ballaarnaa oo afar wasiir iyo xubno ka tirsan baarlamaankeeda u soo dirtay xafladii caleemo-saarka Madaxweyne Muuse Biixi ee lagu qabtay magaalada Hargaysa 13-kii bishii December ee sanadkii hore.

Safarka Madaxweyne Biixi ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu dibadda ugu ambabaxo tan iyo markii uu ku guuleystay doorashadii dabayaaqadii sanadkii hore ka dhacday Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasiyiin iska celiyay Gaadiid dowladda laheyd iyo kuwa wali heesta oo Digniin loo diray

Cabdi Cade

Deeq Lacag ah oo la gaarsiiyay haween danyar ah oo isugu jira naafo iyo dad da’ ah (Sawirro)

Cabdi Cade

War cusub oo kasoo kordhay nin shan gabdhood oo Soomaali ah dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---