Allbanaadir.com
NEWS

Sida Khiirada leh ee loo soo dhoweeyey falastiiniyiintii la sii daayey (Sawirro)

Dadweyne isugu soo baxay Daanta Galbeed ee la haysto ayaa xalay soo dhaweeyay soo laabashada Falastiiniyiintii ugu horeysay ee lagu sii daayo heshiiska xabad joojinta ah ee Qasa.

Sagaashan qof ayaa xabsiyada Israel laga sii daayay maalintii ugu horreysay ee xabbad joojinta, in ka badan shan boqol oo baabuur oo gargaar ah ayaana u tallaabay dhanka Qasa.

Dhinaca Israa’iil-na saddex qof oo ka mid ah la haystayaasha Israa’iil ayaa Xamaas sii daysay Axaddii shalay waxaana la arkaya muuqaallo la baahiyay iyaga oo la midoobaya eheladooda.

Dhinaca kale, Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa u mahad celiyay ra’iisul Wasaaraha Qadar Sheekh Maxamed bin Cabdul Raxman Al Thani “doorkii muhiimka ahaa” ee uu ka qaatay dadaaladii dhex dhexaadinta ee ugu dambeeyay ee lagu gaaray xabad joojinta Qasa, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

“Xoghayaha ayaa muujiyay baahida loo qabo in la sii wado horumarinta heshiiska si meesha looga saari colaadda Qasa, waxaana uu sheegay inuu ku faraxsanyahay kaalinta ra’iisul wasaaraha Qadar uu arrintaan ka qaatay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Muwaadiniin Kenyan ah oo lagu laayay gudaha Soomaaliya iyo meydadkooda oo la geeyay…

Cabdi Cade

Madaxweyne Emmanuel Macron oo albaabada u furay in Falastiin loo aqoonsado Dowlad

Cabdi Cade

Somalia, Masar iyo Eritreya oo sameysanaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Itoobiya (Xog)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---