Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta oo Isniin ah kormeer shaqo ku tegay xarunta taliska guud ee ciidanka Asluubta ee kuyaalla badhtamaha caasimadda Hargeysa.
Madaxweynuhu markii uu halkaas tegay waxa soo dhaweeyey oo qaabilay taliyaha ciidanka Asluubta sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf , waxana uu salaam sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka asluubta, isaga oo kormeer iyo indho indhayn ku sameeyey qaybaha kala duwan ee talisku ka kooban yahay.
Ugu horrayn, taliyaha ciidanka Asluubta sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha soo dhaweeyey, waxana uu warbixin kooban ka siiyey hawlaha muhiimka ah ee ciidanka u hayaan bulshada iyo sida ay u daryeelaan maxaabiista ay gacanta ku hayaan.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo halkaas ka jeediyey hadal dhinacyo kala duwan taabanaya, ayaa ugu horrayn bogaadiyey ciidamada Asluubta, waxana uu sharraxay muhiimadda ay qaranka ugu fadhiyaan, waxana uu yidhi,
“Ciidamada Asluubtu waa hay’ad muhiimad gaar ah u leh ilaalinta badqabka iyo amniga dadweynaha, xilgudashadiina ayaana udub-dhexaad u ah adkaynta sharciga iyo kala dambaynta, Waan idinku bogaadinayaa inaad waajibkaas kasoo baxdeen, shaqadiina iyo waajibka aad qaranka u haysaanna haynta maxbuuska oo kaliya ma aha, waxana uu Dastuurku idiin xilsaaray toosinta akhlaaqda iyo dhaqan-celinta maxbuuska.”
Madaxweynuhu waxa uu sharraxay sida ay xukuumadda uu hoggaamiyaa muhiimadda u siinayso ciidanka Asluubta, waxana uu caddeeyey in mushahar-kordhinta iyo daryeelka ee ciidamada loo samayn doonaba ay qayb ka noqon doonaan,“si ay hawshaasi idiinku suuragasho waxa aannu idiin dhisi doonnaa aqoonta, waayo aragnimada iyo qalabka ciidanka asluubta, sida oo kale waxa aad ciidamada kale ee dalka kala mid noqon doontaan mushahar kodhinta iyo daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada,” ayuu yidhi madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu shaaciyey in la xoojin doono waxbarashada maxaabiista, lana bilaabi doono manhaj gaar u ah waxbarashada maxaabiista, waxana uu yidhi, “Sidoo kale waxa aannu xoojin doonaa waxbarashada ay maxaabiistu ku helaan xabsiyada dhexdooda iyada oo dhawaan la bilaabi doono dejinta manhaj u gaar ah waxbarashada maxaabiista, waana hindise aynu doonayno inaynu ku wanaajinno mustaqbalka maxbuuska.”
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in la dhisi doono xabsiyo gaar ah u ah haweenka iyo carruurta maxaabiista ah, taas oo baahi weyn loo qabo, si loo yareeyo dhibka haweenka iyo carruurtu ku qabaan xabsiyada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com