Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee Puntland, ayaa sheegaya in goordhaw qarax miino oo lala eegtay ciidamo katirsan maamulka Puntland, waxaana qaraxana ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Tasjiic ee katirsan gobolka Bari, waxaana qaraxa lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa difaaca Puntland ee qeybta ka ahaa howlgalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah.
Inta la xaqiijiyay qaraxa miino , waxaa ku geeriyooday ilaa 6 askari, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo ciidamada kamid ah, waxaana aagga qaraxa ka dhacay gaaray ciidamo kale oo gurmad ah oo halkaasi ka qaaday meydadka iyo dhaawacyada askarta.
Qaraxan miino ee lagu dilay askarta badan, ayaa imaanaya xilli ciidamada maamulka Puntland buuraha gobolka Bari kawadaan howlgallo baaxad weyn oo halkaasi looga ciribtirayo kooxaha argagaxaisada ah ee katirsan Daacish.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com