Nin burcad toorey ku hubeysnaa, ayaa dhawaan u dhacay guri uu magaalada Mombai ee dalka Hindiya ka degan yahay atooraha caanka ah ee Saif Cali Khan, waxaana ninkan burcada ah uu dhaawac culus oo tooreeyo ah gaarsiiyay aktarka.
Saif Cali Khan, ayaa hadda ku jira isbitaal xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo, waxaana la sheegay in atooraha oo dhowr toorey ku dhacday lagu sameeyay qalliino kala duwan, waxa ayna dhaqaatiirta sheegeen in uu hadda soo kabanayo .
Ciidamada booliiska magaalada Mombai , oo howlgallo waday tan iyo markii weerarka tooreyda lagu qaaday atoooraha caanka ka ah dalka HIndiya, waxa ayna booliiska shalay oo Axad aheyd shaaciyeen in nin la tuhmayo usoo xireen kiiskan.
Booliiska waxa ay sheegeen in weerarka lagu dhaawacay Saif Cali Khan usoo xireen nin u dhashay dalka Bangaladesh oo lagu magacaabo Maxamed Shariif Islaam, waxa ayna booliiska sheegeen in ninkan sharcidarro dalka ku joogay uuna yahay nin si weyn loogu tuhmayo falkan.
Qareen u doodaya ninkan loo xiray weerarka iyo dhaawaca atooraha caamka ah ee Saif Cali Khan , ayaa sheegay in macmiilkiisa uusan gelin dambiga lagu soo eedeeyay, waxa uuna ballanqaaday in dacwadan been abuurka ah uu ka difaaci doono.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com